Deg Deg: Maska Aduunka Ugu Khatarta Badan Oo Soo Galay Somaliland Oo La Dili Gari Waayey Iyo Goobta U Ku Suhan Yahay (Copra)

Date:

Waa markii ugu horeysay taariikhda – inta aan ka war hayno – ee film (ama video clip) laga qaado maskan caanka ku ah adduunka ee loo yaqaan Egyptian cobra kiisa ku nool Somaliland; waana mid kamida labada jaad ee cobra-ha ah ee Somaliland kunool. Ka kalena waa red spitting cobra (kobraha cas ee candhuufta saydhiya). Egyptian cobra-hu kuma noola dhulka Soomalida een ka ahayn Somaliland, se red spitting cobru-hu deegaanada Somalida, badankooda, waa laga helaa.
Waa subax hore 9 June 2017, waxaanu kusoo kalahnay beer aanu ka shaqaynaynay oo ku taal degamada Faraweyne. Maskan ayaanu ugu nimid isagoo ku dhex cadceedsanaya beerta, khaasatan halkii ay ahayd in aanu ka shaqayno. Maskani waa dilaa, muddo kooban ayay waabaydiiso qudha kaa jari kartaa. Nasiib wanaag, waa mid kamida masaska dalkeenna ku nool ee waabaydooda dawo loo helay. Habase ahaatee, ma hubno in dawadani Somaliland taallo.
Sida sawirada ka muuqata, waa mas aad u qurux badan; dadka degaankanina waxay u yaqaaniin madax iyo daba madoobe. Intaan ka warhayno deegaanada kale ee Somaliland magacyo kala jaad-jaad ah ayaa looga yaqaanaa. 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...