Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo wakhtigan ka tirsan Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa meesha ka saaray jiritaanka Warar sheegaya inuu ku biirayo Xisbiga talada haya ee Kulmiye
Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo Waraysi dhinacyo badan oo Siyaasadda Somaliland ee wakhtigan iyo qaddiyadda Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye u dhaxaysa siiiyey Barnaamijka Hal-adayg ee laga baahiyo Horn Cable ayaa sheegay inaanu wakhtigan Kulmiye u socon, isla markaana uu Waddani ka tirsan yahay. “Marka dhinacyo badan laga eego Meel wanaagsan baynu maraynaa oo waxaynu nahay ummad kortay oo dadkii shaqaystay oo wax badan qabsatay oo illaahay amni iyo istiqraar inna siiyay baynu nahay, caalamul islaam marka manta la eegana waxaynu ku jirnaa dalalka ugu ladan ee ugu degen, illaahayna nimcooyin badan buu inna siiyay, cid kastaana meel ay soo gaadhsiisayba wax bay qabatay marka guud ahaan laga eego”.
Sidaas ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo jawaabtan araar uga dhigay su’aal laga weydiiyo bal sida uu u arko xaallada dalka Somaliland waqti xaadirkan ku jiro iyo sida uu u qiimayn karo wacyiga siyaasadeed, dhaqan-dhaqaalle iyo bulsho ee reer Somaliland ku jiraan xilligan, waxaanu intaa ku daray “Marka dhinaca kale laga eego cid kasta oo xil haysaa ama hawl gacanta ku haysaa dhaliisheedana way yeelanaysaa, xaallada manta lagu jiraana meello werwer leh oo adagna way maraysaa intii u dembaysay waqtigan waxaa dalkeena ka dhacday abaar baahsan oo riiq dheer ku reebtay dad iyo duunyaba, Sicir barar baahsan ayaa isaguna jira oobulshada halakeeyey markaa dhibaato badan baa jirta. Waxa kale oo la xusi karayaa iyadoo xukuumaddan oo waqtigeedii gebogebo marayso ay dantii guud farihii ummada uga baxeen oo dib loogu celiyey gacmo aan dawli ahayn, markaa nimcaduna way badan tahay, sidoo kale dhaliisheeda iyo dhibteeduna way garab taallaa. Waxaase muhiim ah ooaynu xusaynaa” ayuu yidhi Mr. Duur “Waqti doorasho iyo olole ayaynu galaynaaye in amniga la adkeeyo, ciddii illaahay u gartana [talada] ay masuuliyaddaasi si nabad gelyo ah ula wareegto. Markaa waxaan leeyahay shacbigu waa inay danta guud illaashadaan ee aanay ku mashquulin cidda guulaysanaysa [doorashada]”.
Maxamed-Duur mar wax laga weydiiyey warar suuqa siyaasadda soo galay oo ku saabsan in uu shakhsi ahaan iyo siyaasi ahaanba dib ugu laabanayo xisbigii uu hore uga tirsanaa ee KULMIYE, taas bedelkeedana uu ka digaroganayo Siyaasadda WADDANI, waxaa uu ku jawaabay “KULMIYE waa xisbigii aan ka tirsanaa, asxaab bandanna waan ku leeyahay laakiin siyaasaddu waa Maalgashi iyo tacab, bani aadamkuna waxaa uumaal gashadaa wixii dhismaaya mustaqbalka. Xisbiga KULMIYE Hore wuu u kala jabay haddana hambadii ku hadhay waxaa ay qarka u saaran tahay inay kala yaacdo talo xumaan baahsan ayaana ku habsatay, anigana qorshahayga kuma jirto in meherad kacaysa aan maalgashado, tacabka siyaasiga ah ee an galayana uma arko in uu KULMYE kujiro”. Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Daakhiligu.
Geesta kale mar la su’aalay in maadaama aanu si toos ah uga dhex muuqan saaxadda siyaasiyiinta ugu fadallada cadcad xisbiga WADDANI, bal in uu bulshada u caddeeyo kaalinta uu kaga jiro Xisbigiisa iyo miisaaanka siyaasadeed ee uu ku leeyahay waxaa uu Mr. Duurku jawaabay “waxaan ahay xubin ka tirsan golaha dhexe ee WADDANI, xil kale oo aan ka hayaase ma jiro”, ayuu ku dooday hase yeeshee waxaa la sii weydiiyey xanta odhanaysa in uu musdambeedka talada ugu dambaysa ee xisbiga goysa ka mid yahay waxaa uu yidhi “dee isma qabtaan Kuraasoow [Weriyaha] in la yidhaahdo wuu kasii socdaa WADDANi oo KULMIYE ayuu ku sii socdaa iyo wuu ka taliyaa oo raga xaga dembe fadhiya ee culus ee musdambeedka ah aan ahay, labadaasi isma qabanayso, waxaanse kuu sheegayaa WADDANI waxaan ka ahay xubin golaha dhexe ah waxaanan ahay oday siyaasi ahoo dee wixii talo ah ee looga baahdo ka gaysan kara xisbiga, inaan talo iyo wixii aan tamar hayo ku biiriyaa waa waxaan u joogo WADDANI laakiin ma jirto wax musdambeed la yidhaahdo oo meel fadhiya oo taladiisa gacanta ku haysa, waxaase taladiisa gacanta ku haysa cidda xilalka u haysa ee ku magacaaban. Annaga ka muuqasho la’aantayada saaxadda [WADDANI] qoddob baa keenay, anigu xukuumadda xil baan kasoo qabtay, raggii sahankii KULMIYE lahaa barwaaqaa la degayaa ee ku ololaynayayna waan ahay, waxaanse is leeyahay dhaliisha baahsan ee xukuumaddani la timi waxaa maanta ka faa’iidaysan kara cid ay carrabkeeda ku wanaagsan tahay oo odhaahdeeda ku wanaagsan tahay oo aanan kamid noqonin anigu, haddii shalay sahankaygii la dhaliilay miyaanay haboonayn maanta inay cid kale sahan tagto, markaas waxaan doonayaa inay dhaliishaas ay cid kale ka faa’iidaysato, waxaanan WADDANI u tarayaa waayo-aragnimadu waa kayd wixii shalay xukuumadayadii ka khaldamay iyo waxa aan KULMIYe ka sheegayaaba waa wax jira”.
Su’aalaha kale ee xiisaha huwan ee Maxamed Nuur Carraale lagu weydiiyey waraysigan waxaa ka mid ahayd hoggaaminta Cabdiraxmaan Cirro ee golaha wakiillada oo ay shakhsi ahaan isaga soo wada shaqeeyeen xilligii uu xildhibaanka ahaa, sidaasi oo ay tahay waxaa la su’aalay bal waxaa uu ku difaacayo Siyaasadda Guddoomiye Cirro ku hoggaaminayay golahaasi ooah ka ugu dhaliisha badan ee ay shacbigu u nisbaynayaan wax qabad la’aanta muddadii dhawr iyo toban sanno ahayd ee uu guddoominayay, markaas bal marka uu leeyahay WADDANI waxaa uu tijaabinayaa Cirro sida loo arki karo waxaa ku dooday in ay kala duwan yihiin labada gole ee xeer dejinta iyo fulintu, taas bedelkeeduna uu Cabdiraxmaan Cirro ka eed la’ yahay dhaliilaha loo nisbaynayo golaha wakiillada oo masuuliyadda ay ummada u hayaan tahay mid wadar ah oo aan keligii ka go’in “Asal ahaan xeer dejinta iyo fulintu waa laba shaqo oo kala duwan shaqada golaha wakiillada taallaana waa shaqo wadareed aan qofka gaar ahaantiisa loo tijaabin, goluhu wuxuu qaraar ku qaataa wixii uu u bato xildhibaanka fadhiyaana waxaa uu ku qasban yahay in wixii loo bato uu qaato, guddoomiyaha ninka la yidhaahdaana cod iyo dood midna kuma laha ee waxaa uu guddoomiyaa wixii uu golahaasi gaadho, markaa Cabdiraxmaan Waxaa uu ku guulaystay gole laba iyo sideetan nin ka kooban oo hoggaamintoodu gacantooda ku jirto, kuwaas oo uu ku guulaystay in fikirrada asxaabtooda guddoomiye ugu noqdo laba iyo tobankaas sanno. Cabdiraxmaan Waxaa himilladiisa ku hadhay in fulintii iyo masuuliyadii gaar ahaantiisa ka go’aysay lagu tijaabiyo manta, taasina waa himilo u dhiman, tanna [golaha wakiillada] kumuu guul darraysan, ta kalena [hoggaaminta qaranka] waa mid u dhiman oo aan la furfuran, marka waxaaan leeyahay bal hala tijaabiyo”.