Waxaan gabi ahaanba jirin fursad uu xiddiga Ingariiska Alex Oxlade-Chamberlain qandaraaska ugu kordhin karo Arsenal, sida ay sheegtay Sky Sprts, waxaana xiddigaan la filayaa inuu xagaagan ka tago kooxda ka dhisan waqooyiga London.
Oxlade-Chamberlain ayaa ku jira 12kii bilood ee ugu danbeysay ee qandaraaskiisa haatan ee Arsenal, waxaana xiiseynaya kooxaha Premier League ka dhisan ee Liverpool, Manchester City iyo Chelsea.
Xiddiga khadka dhexe ee England ayay u badan tahay inuu ka tago Emirates Stadium xagaagan inkastoo uu kooxda u raacay safarkooda Australia ee isbuucaan.
Kooxda Gunners ayaa kalsooni ku qabta inay ceshan doonaan Oxlade-Chamberlain sida ay sheegayaan wargeysyada Ingariiska, laakiin ilo ku dhow ciyaaryahanka ayaa u sheegay Sky Sports News inay joogsadeen wadahadaladii qandaraas kordhinta, islamarkaana aysan jirin wadahadalo cusub oo lagu balansan yahay.
Horumar la’aanta wadahalada ayaa jahwareer ku noqotay Oxlade-Chamberlain, kaasoo Emirates Stadium joogay muddo lix sannadood ah.
23 jirkaan ayaa ku hungoobay inuu boos joogta helo mudadii uu kooxda joogay isagoo loo isticmaalayay xiddig garab ah oo kubada difaacda dhamaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana uu ku soo bilowday garabka bidix kulankii finalka FA Cup ee ay ka qaadeen Chelsea.