Sicir-bararka iyo sarrif-bararka is biirsaday ee ka taagan Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galay marxaladdii ugu xumeyd taariikhda 26-kii sannadood ee dalkani madax-bannaanidiisa la soo noqday, waxaanay xaalad aad u adag oo nololeed soo wajahday dadka danyarta ah oo markii horeba ay haysatay dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan.
Maceeshada daruuriga ah, ayaa aad u qaaliyowday oo gaadhay heer ay bulshada danyarta ahi go’yn waayeen, waxa kaloo qiime dhicii ugu xumaa ku habsaday lacagta waddanka oo dalkeeda ku basaastay, ka dib markii ganacsatadda iyo xukuumadduba ay muuneyn waayeen, waxaanu dhaqaalihii waddanku noqday mid u garbo duuban doolarka Maraykanka.
Bulshada Somaliland, ayaa quus ka taagan in xukuumadda Somaliland wax ka qabato xaaladan adag, iyadoo Boqolka doolar ayaa lagu kala sarrifanayaa suuqyada Hargeysa 930.000 SL Sh, halka gacanta dambena gaadhay 960.000 oo SL Sh. Sidoo kalena waxa cirka isu shareeray qiimaha raashinka iyo noocyada badeecadaha quutal-daruuriga ah, taasina waxay niyad-jabisay qaybo badan oo ka mid ah bulshada, kuwaasi oo lacagtii dalku waxba u jari wayday.
Ganacsatadda kala duwan ee waddanka , ayaa si arxan darro ah u jaangoynaya suuqyadda dalka, iyagoo ka faa’iidaysanaya fadhiidnimada laamaha dawladda ee u xil-saaran wax-ka-qabashada sicir-bararka ee Baanka dhexe ugu horeeyo.
Dadka siyaasadda iyo dhaqaalaha falan-qeeya, ayaa aaminsan haddii aanay xukuumadda Somaliland qaadin talaabo degdeg ah oo lagula dagaalamayo sicir-bararka in laga dhaxli doono cawaaqib xumo saamayn taban ku yeelata nabadgelyada iyo wadajirka Somaliland.
Waxa kaloo xeel-dheereyaashu ku doodeen in xukuumadda looga baahan yahay inay la timaado siyaasad cad oo ay kula dirirto sicir-bararka xadhkaha goostay iyo inay qaado talaabooyin waaweyn oo lagu samato-bixinayo bulshada danyarta ah.