Mucjiso: Mattaano Hal Madax Waddaaga, Jidhkuna U Kala Gooni Yahay Oo Muddo Saddex Sano Ah Sidaasi Ku Nool !

Mucjisooyinka Ilaahay SWT waa kuwo aan xad lahayn, waana tusaale ina tusinaya awoodaha Ilaahay SWT, haddaba waxa Dalka Hindiya ku nool laba mattaano oo hal madax waddaaga waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen inay waddaagan hal maskax oo kaliya, iyadoo dhakhaatiir tiro badan deraasaynayaan inay suurta gal tahay in qaliin lagu sameeyo isla markaana madaxa loo kala jaro waayo? Waxay labadani mattaano iskaga dhagan yihiin oo kaliya waa madaxa balse jidhkooda kale waa uu kala madax bannaan yahay.

hooyada dhashay mattaanahan oo magaceeda la yidhaahdo Bushpangali Kanahar kana soo jeeda Tuulada  Kandamal ee gobolka  Orissa ee bariga Dalkaasi, waxaanay sheegtay in markii ay dhashay Mattaanahan sanadkii 2015kii ay aad u naxday waxaanay tidhi “hammigayga kaliya ee aan ku hammiyaa waa in la kala jaro labadan mattaanood madaxooga  si mid kastaaba uu sidiisa gaarka ah ugu noolaado”.Hooyada dhashay mattaanahan magacyadooda la kala yidhaahdo Honey iyo Singh ayaa sheegtay in baadhitaan ay dhakhaatiirtu ku sameeyeen markii ay dhasheen ay ku xaqiijiyeen in aanay waddaagin maskax kaliya, balse mid kastaaba uu maskax gaar ah leeyahay, sidoo kale waxay sheegtay in muddadaasi ay noolaayeen labadani mattaanood ay baadi goobayeen dhakhaatiir qaliin ku samaysa, laakiinse ay awoodi waayeen qiimaha lagu qalayo oo ay ku sheegtay inuu yahay  mid aad u sareeya, sidoo kale waxay sheegtay in aanay wali ka niyad jabin baadi goobka dhakhtar qaliinkaasi fuliya oo qiima macquul ah ka qaada, xaaladda dhaqaale ee qoyskan ayaa ah mid aad u liidata, iyadoo waalidka dhalay mattaanahi qireen inay yihiin qoys faqiir ah.

Comments

comments