Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Xarunta Maamulka Gobalka Togdheer Kaga Qeyb-galay Bilowga Qaadashada Kaadhka Diiwaan-gelinta
Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee Xisbiga WADDANI, ayaa saaka xarunta maamulka gobalka Togdheer ee Burco kaga qeyb-galay bilowga qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta doorashada oo ay iskugu yimaadeen saddexda Xisbi Qaran, Maamulka Gobalka iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland.
Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa waxa uu si weyn u dhiiri-geliyey guud ahaan shacabka ku dhaqan goballada Togdheer iyo Maroodi-jeex oo uu ka codsaday in ay sida ugu dhakhsiyaha badan qaataan kaadhka diiwaan-gelinta si ay u guuleysato diiwaan-gelinta oo uu sheegay in qaran ahaan ay tahay hawl muhiim ah oo innoo qabsoontay.
“Maanta waa maalin aynu bilownay qeybinta kaadhadhka ee gobalka Togdheer iyo weli ba gobalka Maroodi-jeex, waana aad ka war-qabteen oo diiwaan-gelinta waxa laga bilaabay gobalka Todheer, waana lagu tijaabiyey , waxaana uu gobalkani muujiyey in diiwaan-gelintu guuleysato, maanta na waxa lagu jiraa qeybintii kaadhadhka, waxa aan rajeynayaa in siddii aad maalintii hore ba diiwaan-gelinta aad yool baadhka ugu ahaydeen bilowga diiwaan-gelinta in maanta na aad si wanaagsan u qaadataan, fariintau ugu muhiimsana waa in muwaadin kastaa uu qaato kaadhka diiwaan-gelinta si uu u helo xuquuqdiisa codbixinta. Waxa aanu shacabka ugu baaqeynaa in gobalka Maroodi-jeex iyo gobalka Togdheer ba ay kaadhadhka qaataan, diiwaan-gelintu waa ay guuleysatay dhammeysirkeeda na waxa ka hadhay qeybinta kaadhadhka, hawl badan baana inga gashay, kharash badan baa inaga galay, tacab badan baa inaga galay, dawladda Somaliland na waanu ugu mahad-naqeynaa qeybta ay ka qaadatay diiwaan-gelinta iyo kaadhadhka inta ba, waxaana ay ila tahay hawshaa in aynu ka midho dhalino. Isha Allah na waynu ku guuleysnaynaa.”.