Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa Warqad Dublamaasiyaddeed oo uu dunida iyo Maalgashadayaasha Caalamka ugu talo galay una kala diray una ban-dhigay Taariikhda iyo Qaranimadda ay Jamhuuriyadda Somaliland 26-ka sanno ee ilaa iyo markii ay Somalia kala soo noqotay madaxbanaanideedii ay 1960-kii kula midawday Somalia ay hada ku naa loonaysay Somaliland, isaga oo sido kale kala hadlay Beesha Caalamka iyo Maalgashadayaasha dunidu sida loogu baahan yahay inay kala saaraan oo aanay isku khaldin waddanka nabadgelyadda ah ee Somaliland iyo dalka gubanaaya ee colaadaha sokeeye iyo kuwa Argagixisadu naafeeyeen ee Soomaaliya.
waxa uu ka dalbaday isaga oo si gaara hoosta uga xariiqay inay Caalamku si fiican u kala gartaan labadan dal oo aan Somaliland sido kale dhinaca maalgashiga aan lagaga xidhin aqoonsi la’aanta aanay wali Ictiraaf caalamiya helin qaran ahaan Somaliland.
Warqadda uu Wasiir Sacad Cali Shire Beesha Caalamka iyo Maalgashadayaasha dunidda ugu bandhigay Taariikhda Somaliland iyo fursaddaha maalgashi ee ay tahay inay dunidu ka faa’iidaysato waxa soo Turjumay Wargeyska Saxansaxo kana soo xigtay Wargeyska FINANCIAL-TIMES waxanay u dhignayd sidan.
Somaliland taariikhdeedu waa mid aan umadda badan oo maalgashadayaasha dunida ahi aanay aqoon u lahayn, waxa had iyo jeer na lagu khalda Jaarkayaga Colaaduhu aafeeyeen ee Koonfurta Somalia, kuwaas oo aanu ka goosanay kalana soo noqonay madaxbanaanidayadii 26 sanno ka hor sannaddii 1991-kii, ka dib sannaddo badan oo qalalaase lagu hoobtay maamulkii Muqdisho ee Madaxweynaha uu ka ahaan jiray Siyaad Bare aanu la soo galay.
Farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somalia waxa uu yahay Somaliland waa dal aad u xasiloon oo dumquraadi ah, waxaanu haysanaa dawlad dhamaystiran oo shaqaysa oo nidaam Madaxweyne ah, oo si joogto ah doorasho xor iyo xalaala ku timaada , lacag qaran leh, oo ah (Somaliland Shillings), nidaam caddaalad iyo garsoor madaxbanaan leh iyo Dastuur damaanaq qaaday ku dhaqanka sharciyadda dalka.
Somaliland waxay leedahay Bulsho dhalinyar aad u firfircoon kuwaas oo 70% ah dad dadoodu 30 Jir ka yar tahay, kuwaasi oo heer aqooneed oo fiican leh, waxaana jira Dugsiyo iyo Jaamacaddo tiro badan oo kuwo dawladdeed iyo kuwo gaar loo leeyahay ba ah, soona saara Kumanaan aqoonyahan oo shaqaale fiican noqon kara oo ka soo qalinjabiya.
Somaliland waxay Bogaga Caalamiga ah ganacsiga soo jiidatay dhawaan iyada oo ay ugu wacnayd heshiiskii Maalgashiga aduunka $442m ku kacaayey ee Shirkadda DP World ay Maarsadda Berbera ku casriyeynayso oo noqday maalgelintii Taariikhdayada Somaliland ahaan ugu waynaa, kaasi oo ka dhigi doonta magaalo xeebeedka Berbera mid dib u horumarin iyo ku xidhista mandaqada iyo Maraakiibta kala duwan ee ganacsiga mandaqada geeska ka dhigi doona.
Dekadda Berbera waxay noqon doonta (Marka ay DP World dhamaystirto dhismaheeda) mid u adeegta oo isku xidhi doonta dalalka aan Baddaha lahayn ee Qaaraddaha Yurub, Aasiya, Afrika iyo Meelo Bariga dhexe ka mid tahay ku yaala iyada oo Somaliland ka dhigi doonta oo u gaadhsiin doonta inay noqoto Al-baab laga galo Bariga Afrika iyo gaar ahaan qaaradda Inteeda kale.
Kombaniga DP World wuxu ku soo biiray tiro soo kordhayso oo Shirkado badan oo Qarano kala duwan laga leeyahay, kuwaas oo u arkay inay Somaliland tahay goob amni iyo deganaasho ka hirgalay oo looga gudbi karo Suuqa ganacsiga ee Bariga Afrika kuwaas oo ay ka mid yihiin Shirkadda COCA-COLA oo xidhiidh iskaashi la leh shirkad muxaliya oo ganacsi oo maalgashi sharaab oo $17 Milyan oo dollar ka maalgelisay Hargeysa nawaaxigeeda shaqaalaysiisay in ka badan 100 qof oo muwaadiniin reer Somaliland ah, waxaana jira duulimaadyo diyaaraddeed oo maalin kasta u kala gudba Hargeysa iyo Adisababa, kuwaasi oo keenay inay dad ganacsato ah dunida dacaladeeda Somaliland uga keenaan.
Huteeladda Raaxadda ee Magaaladda Hargeysa ku yaala, ayaa si xawli ah u noqonaaya kuwo mashquuliyaan Maalgashadayaal ku soo degaa, iyaga oo eeganaaya fursaddaha waaxaha baahida wayni ka jirto ee maalgashiga ee ahmiyadda u yeelan kara inay kobcaan sida badeecaddaha, Kaluumaysiga, Beeraha iyo dib u dhiska gaar ahaan macdanta, wadooyinka, Madaaradda, Cusbitaaladda iyo shirkaddaha Khayraadka ka shaqeeya oo hawlgalo baadhitaano kala duwan ka wada guud ahaan deegaanadda Somaliland iyaga oo baadhitaano shidaal, Saliida Qaydhin iyo Macdan sahamin dalka ka wada, khayraadkaasi oo la rumaysan yahay inay ku duugan yihiin dhulka Badda iyo Banaanka ah.
Sidaasi oo ay tahay, Ahmiyadan aadka u wayn iyo faa’iidada cadaanka ee ku ku duugan arimahan, maalgashigu wuxu u keeni doona deganaasho balaadhan iyo Barwaaqo mandaqada geeska Afrika, hadana waxa jira Carqalado maangaabnimo ah, kuwaasi oo hortaagan inay Somaliland gaadho guusheeda muhiimka ah.
TANI WAA MID AANU BULSHADDA CAALAMKA KU SU’AALAYNO SI CAAM AH AQOOSNIGEEDDA IYO MADAXBANAANIDDEEDA SOMALILAND ?
Iyada oo aan noo tixgalinin degenaashahayaga, Taariikhdayada iyo kalsoonida ay nagu qabaan ganacsatadda Caalamiga ee xidhiidhka iskaashi ee ganacsi iyo maalgashi aanu wadaagno ay dhaqaalahayaga ku aamineen, waxa jirta in aanay Indhahooda Beesha Caalamka Somaliland ahayn wax jira, waxaana ay taasi nagu keentay tiro waxyeelooyin ah sida oo aanay ugu yar tahay dhaqaaluhu.
Marka laga yimaado casharadda dhaxal galka ee noo suurto galay in aanu kaga qayb qaadanay horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo meelo kale oo ka fog, kuma lihin wax kursi ah kuraasta ururadda Qaramadda Midoobay iyo Midawga Afrika oo ah kuwo ahmiyaddooda noo leh, waxaana u sabab ah qaranimadayada kala dhantaalan, taasi waxay sababtay in aanaan awoodin helitaanka mucaawimooyin iyo lacago Amaah dunida nooga timaada gaar ahaan ururadda caalamiga ah sida Baanka Aduunka (World Bank) iyo Hay’adda lacagta aduunka ee IMF, waxaanay helitaan la’aanta adeegyadaasi saamayn aad u xun nagu yeesheen awoodii aanu u yeelan lahayn la tacaalista dhibaatooyinka naga soo gaadha dhinacyadda Cimiladda Deegaanka iyo dhaqaale xumadda na haysta, Baanka lacagta ee Somaliland ma awoodo in uu xidhiidh la sameeyo Baananka Caalamiga ee Aduunka, iyo inay nagu adkaatay sameynta maalgashiyo gaarka loo leeyahay, macnaha arimahaasi ka dhashayna waxay noqdeen in dhaqaale taaba galay iyo nidaamka Baanan ganacsi in aan awoodi wayno inay Somaliland si fiican uga horumaraan.
Waxaanu Khibrad ahaan u aragnay dhibka uu leeyahay dal aan dunida aqoonsi ka haysan, hadana guud ahaan ay la soo gudboonaatay xaalado qalafsan iyo ta ugu daran oo ah Abaaraha wakhtigan burburiyey waddamadda Bariga Afrika, kuwaaso si xoogan ay Abaarahaasi saamayn xun ugu yeesheen Xoolihii noolaa ee dhaqaalaha dalkayagu ku tiirsanaan jiray maadama oo aanay duruufaha jira noo saamaxayn taageero buuxda oo aanu wadamadda dunida ee qaadhaan bixiyayaasha ka helo, waxa meesha ka maqan dib u dhiskii aanu rabnay in aan kaga jawaabno baahidii loo qabay in aanu hubino si dhibaataddii Abaaraha isdaba jooga noqday dadkayaga u gaysteen looga taageerilahaa, xata marka la helo (Taakulo Abaareed) waxay nagu soo gaadhaan si gaabis ah iyada oo waliba muqdisho wada xaajood laga la galay ka dib na loo soo mariyo.
Somaliland dhibta ka haysata inay la tacaasho Abaaraha ku habsaday waxay saamayn iyo dib u dhac ku keentay Hay’addahayagii Dawliga ahaa, waxa dib nooga dhacay doorashaddii madaxtooyadda anaga oo aad uga xun iyada oo doorashadda madaxtooyadda dib u dhac ku yimid March/2017 ilaa November/2017 iyada oo in doorashadda loo dhiga uu ahaa codsi ka yimid Axsaabta Mucaaridka iyo Bulshadda reer Somaliland laftooda gaar ahaan dadka ku dhaqan Bariga Somaliland oo ah deegaanka iyo dadka ay Abaaruhu sida xun u saameeyeen, dhibaatadda Abaaraha ee nagu habsatay waxa noo weheliya doorka dawladnimo ee aanu dunida ka maqanahay, waxaana noo raacay in aanaan wax aqoonsi ah wali haysan , waxaanay hadaba tani sii taabanaysa dib dhiskii Somaliland.
Ilaa hada iyada oo waxaasi oo dhami jiraan hadana bulshadda Somaliland si cad ayey uga soo dhalaashay iyaga oo samreen iyo hal abuurnimo la yimid in kasta oo ay haystaan dhibaatooyin aan ka tiring Karin oo uu u keenay Ictiraaf la’aanta caalamiga ahi, balse iyada oo ganacsiga bulshaddu uu yahay ka ugu mudan qaranka Somaliland.
Sidaasi oo ay tahay kalsoonida ay noo muujiyeen Maalgashadayaasha Caalamka (qaarkood) aanu iskaashiga ganacsi uu naga dhexeeyo, kuwaasi oo aanu wada galay heshiisyo isfaham, waxay meel mar u tahay kalsoonida ay nagu qabaan ee ahmiyada leh, kuwa maalgashiga dalalka Bariga Afrika ka mida ee dalkayaga maalgashiga ku samaynayaa waxay aqoonsadeen degaanashaha dalkayaga, nidaamka dawlad wanaaga iyo hirgelinta sharciyadda ee gooni isku taaga dalkayagu u shaqeeyo, waxaanay taasi noo keentay in na lagu soo dhaweeyo gobolka oo dhaqan ahaan gobolkan lagu og yahay in uu yahay mid wax isdaba marintu naafaysay.
Waxa hada noo cad inay Maalgashadayaashu door lixaad leh ka ciyaari doonaan boga cusub iyo wajiga mustaqbalka ee taariikhda Somaliland iyada oo taageero u noqon doonta dhaqaalahayaga sida firfircoon u kobcaaya uu noqon doonto mid guulaysta oo dhiirigelin weyn heli doona aanu nagu riixi doono aqoonsiga dalnimo ee aanu rabno, kuwa awooda u leh iyo aragtidda dheer ee ka baxsan inay wax ka arkaan su’aasha aqoonsiga una muuqato fursadaha maalgashi ee Somaliland u bandhigayso waanu abaalmarin doonaa, waxaan iska caawin doona in aanu taariikh samayno.