Somaliland: Ku-simaha Madaxweynaha Oo Amar Deg-deg Ah Ku Joojiyay Xaflad Ay Xilka Kula Kala Wareegayeen Laba Wasiir-xigeen

Date:

Madaxweyne-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay si kedis ah u baajiyay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen labada wasiir-xigeen ee khaarajiga iyo qorshaynta oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo isku bedelay.

Munaasibadaas oo la qorsheeyay in lagu qabto hoteelka Maansoor, ayaa waxa xilka kula kala wareegayay wasiir-xigeenka cusub ee qorshaynta Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse) oo xilka wasir-xigeenka khaarajiga ku wareejinayay wasiir-xigeenka cusub ee wasaaradaas Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo hore u ahaa wasiir-xigeenka qorshaynta. Hase yeeshee markii ay ahayd inay munaasibadu bilaabanto ayaa waxa munaasibadii lagu baajiyay amar la sheegay inuu soo bixiyay madaxweyne-xigeen Saylici, waxaana la sheegay inuu labada wasiir-xigeen ku amray inay munaasibadda xil wareejinta ku qabsadaan xarunta wasaaradda qorshaynta, waxaana warku sheegay in madaxweyne-xigeenku joojinta munaasibaddan u cuskaday inaan dalku qaadi karin dhaqaale lagu bixiyo xaflado xil wareejineed oo lagu qabto hoteelada.

Sidaas ayaana munaasibadii xil wareejinta loogu bedelay xarunta wasaaradda qorshaynta oo ay labada wasiir-xigeen si rasmi ah ugula kala wareegeen. Waa markii u horaysay ee la arko talaabo noocan ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...