Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sicir bararka ka jira magaalooyin ka tirsan gobollada dhexe iyo qiimo jabka ku yimid lacagta shilling Soomaaliga ah.
Dhibaatooyin culus oo dhinaca dhaqaalaha iyo nolasha saameyn weyn ku leh ayaa ka taagan magaalooyinka Beledweyne, Guriceel, Dhuusa-mareeb Caabudwaaq iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobollada dhexe kaddib markii ay ganacsatadu diideen in ay wax ku iibsadaan lacagta shilling Soomaaliga.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ay si dhaw ula socdaan arimahan waxna ka qabaneyso dowladda, isaga oo ku tilmaamay in arintani tahay dhibaato muddo dheerba soo jirtay.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay shirkadaha waa weyn in ay la shaqeeyaan Dowladda, Baarlamaanka marka uu furmo in ay horkeeni doonaan sharciyo badan oo lagu xasilin doono arrinta canshuurta.
‘’’Sacabka waxaan leeyahay wax walba oo aad u aragtaan in ay qalad yihiin waa in aad u soo gudbisaan dowladda si wax looga qabto’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in canshuurta ay dowladda qaado tahay mid aad u yar, sidaa daraadeed taasi ay keentay is aaminaad la’aan iyo amni buuxa oo aanan jirin.