Madaxweyne Geele Oo Midowga Afrika Ka Codsaday Inay Kala Dhex Galaan Dalkiisa Iyo Ereteriya

Date:

Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka codsaday ururka Midawga Yurub inay goobjoogayaal u diraan xuduudda muranku ka taagan yahay ee dalkaasi la wadaago dalka Eriteria, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ciidamada Qatar oo nabad ilaalin ahaan u joogay ay halkaas ka baxeen laba toddobaad ka hor, sida ay baahisay Reuters oo soo xigatay Wasiirka Arrimaha Debedda Djibouti.

Ciidamada Qadar ayaa xuduudda labadaas dal la keenay ka dib markii ay isku dhaceen Eritrea iyo Djibouti sannadkii 2008, hase ahaatee waxay si aan hore loo sii qorshayn uga baxeen xuduudda bishii June 14-keedii.

Qadar may bixinin sababta ay xuduudda uga baxday, hase ahaatee arrintan ayaa ku soo beegantay markii Djibouti iyo Eritrea ay la safteen Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee ka soo horjeedda dalka Qadar.

Wasiirka Arrimaha Debedda Djibouti Maxamud Cali Yuusuf ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee Reuters inay u soo jeediyeen Midawga Afrika inay booskaas buuxiyaan, isla markaana ay si degdeg ah tallaabo u qaadaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...