Nimaad Dhashay Kuma Dhalin’ Waxaa la yidhi Soomaalidu been waa ay sheegtaa, beense ma maah-maahdo. Murtidaas, waxaan ku xusuustay oo Marag u ah Tixda Cadho Waalid ee Abwaan Xassan Dhuxul ‘Laabsaalax’. Waxaa ay soo baxday Iidii Soonfureed ee dhaweyd, waxaana ku ladhan sheeko dareen-taabad leh.
Qisada iyo maansada ka dhalatayba waxaa ay isa sanaaniyaan hal-qabsiga ah, ‘Nimaad dhashay kuma dhalin’. Waana ay is buuxinayaan marka aad u fiirsato ee u dhacdo macnaha.
Inta aanan Tixda soo fool-tabinin aan ku horeeyo gogol-dhiga Abwaan Xassan ku balaysimay curashadeedda. Waxaa uu yidhi Laabsaalax “Magaalada Ankara ee dalka Turkiga anoo jooga Ayaan maalin maalmaaha ka mida tegay Xaafada Kizlaay Maqaaxi Ku Taala oo Soomaalida magaalladaas degani u badan tahay. Waxaan ku biiray oo aan la fadhiistay dhowr dhalinyaro ah Miiz gaar ah isku waraysanaysa. Ilaa toban talaabo waxa noo jira- oday Somaaliyeed oo muuqiisu tabinayo xaaladdo is barkan oo ay ugu mudan yihiin da’, iyo Xanuun.
Odayga waxaa dhiniciisa taagan Wiil-dhalinyarro ah oo hadal u badan hiif iyo haaraan dudubinaya. Waxaanse fahmay inuu Odayga la hadlayo markii uu si kulul oo la wadda baqlo u yidhi isaga oo aan wax digigixasho ah lahayn, ‘Ee soo kac, hadaad meel fadhiyayso ood nasanayso ood xanuusanayso sariirtaadaan hurdi lahayde.” Markuu intaas yidhi ayaan u sii fiirsaday Odayga, Waxaan wax aann xaalad xanuun lagu suuray karro markiiba ka arkay Labadda adin (Cagood) oo aad u bararsanaa, Islamarkaana aan u qaatay ka sokow Cimriga uu jooggo inay sababta ugu weyn u yihiin talax-gabkiisa. Yarku ma aamusine waa uu sii wadday . ‘Kolba meel baan ku nasanayaa hana odhanne soo kac,’ intayadii meesha fadhiday mar baan la wada hadalnay – waxaan ku idhi waar maxaa kaa qaldan- maxaad odayga waayeelka ah sidan ula hadlaysaa- Waxoogaa intuu aamusay isagoo I waji gartay ayuu igu yidhi, ‘Waar aniga dhibaa I haysta. haduu laba talaabo qaado waan fadhiisanayaa ayuu leeyahay- jidkan haduu ka gudbo oo uu jidkaa u gudbo ma socon karro ayuu leeyahaye, bal Ii waydiiya haddii aanu socon karayn, Muxuu guriga u fadhiyi waayay, Runtii intaan odayga ka naxay, in aan ka yarayn ayaan inanka u Naxay ayaan cabaar waano ah u jeediyay.
Intii aan hadal ahaanta u idhi oo dhalinyaradda oo dhan ku wajahan. Islamarkaana, aan Hawraar ahaan u dhigay waxaa ay tahay.
Wali dunida maad caban
Kugumay cadaan tallo
Maad arag cidhiidhiga
Cidlo wehel kamaad dhigan
Wakhti caasha kuma sudhin
Dhibta maad cawaysimin
Qofay hayntu ciishoo
Wel-wel ciiray maad noqon
Cisha qudhana maalmuhu
Dacar kuma cabsiinoo
Cibro kuuma tabababarin
Cashar kuuma dhigin adag
Dadka caamo iyo mudan
Qof la cawlan maad noqon
Cisigaagii muu lumin
Calafkaagu muu gudhin
Cawadaadu may dumin
Cidhibtaadu may go’in
——————————-
Cududdaad ku faantiyo
Xoog iyo cadaankani
Cidlo kaagamay iman
Waxaad tahay curuuqaha
Cadka aabe laga jaray
—————————–
Imisuu ku ciil tiray
Intuu dhiilka soo culay
Caano dhay ah kugu habay-
Caddaadiyo Qansaxa daran
Cagta qodaxda kaa jaray
Imisuu sir iyo caad
Cadka kaad u qalantiyo
Canbaar iyo mid quudheed
Si cadaana kuu baray
Koluu ceel biyood shubo
Koluu celiyo xoolaha
Koluu dhiso cariishyada
Koluu maydho calallada-
Koluu dharabka caynsado
Koluu daas yar calafsado
Koluu caday u soo guro
Koluu gaadhi gacan culus
Curuuquhu ku daalaan
Cimaarado rag leeyahay
Koluu ciid u kala rogo
Cisho kuuli laga dhigo
Camal baadi doonkii
Carabaha kol uu tago
Kol caruurta reer kale
Carbintooda loo diro
Kol albaabka sii celi
Soo celi ku xoogsado
Muxuu kuu caraaboo
Ceeryaamo iyo dhaxan
Dhado caal madaw iyo
Cadeed iyo kul kuu maray
Cimidh kayna kuu galay
Caska waaga kuu kacay
Kuu guday cir-jiidhaha-
Curud taabaqaadiyo
Inad noqoto ciil tire
U xamilay cidhiidhiga
———————————
Ma adaa cadhoon kara
Ma adaa cadibi kara
Ma adaa cidlayn kara
Ma adaa cidlayn kara
Misna cunaha qaban kara
Eray qudha ku celin kara
——————————-
Calooshaada oo madhan,
Waligii wax muu cunin,
Adoon caafmiaad qabin
Cawdiisa kuma ladin
Isagoon ku ciidsiin
Dhar cusayba muu gada
Cabsi iyo dagaal jira
Colaad kaagamuu tagin
Culys heer kastuu yahay
Niyad xumo kamuu celin
Itaal –ceel kastuu dhigo
Caynaano muu dayn
Caabin hawl uu kuu galay
Cagtaa daalan muu odhan
Ceeb wixii aad leedahay
Calool maalin kuma qaban-
Xaajo kaa cawaran wali
Cid kumuu halayn kale
Isagoo aan cuudiyo
Camal iyo aduun hayn
Noloshuna cakiran tahay
Oo jeebku caydh yahay
Caana maal kumuu gabin-
Cimrigoo siyaadaa
Cawarraaye xoogoo
Waa ciroole taag daran
Culays weeyi ruux qaba
Gabaw caasha saaraa
Ciirciirka badayoo
Wuu lumay codkiisii
Wuu tagay cadkiisii
Wuu dhaga cusladoo
Caad fuule dhaayaha
Bukaan weeyi cuduriyo
Cuskadeen xanuunadu
Maaha cayka aad tahay
Hadii uu cag fududaa
Cararkana ku roonaa
Bari caafimaad qabay
Aabahaa cad-weeyaan
Maanta caawimaadiyo
Kaa mudan cisayntee
Damiir ceebta diidiyo
Caqli maanu kugu jirin
Cool dabacsanaantii
Yaa kaaga riday ceel
Cashar maanka koriyiyo
Cilmiga iyo shareecada
Ma waxaad ka tahay caydh
Umuu soo ciyaar gudin
Caradani shisheeyee
Duqan caguhu barareen
Tawsbuu la ciiree
Abahaa ma cudurkaad
Ku canaananaysaa!!!
Caamiye nin liitaa
Hadal daran ku celiyoo
Cadaw mooda kii dhalay
Agtiisana ka caagoo
Karha oo ka cararee
Yaan cisayntu kaa gudhin
Waalid caasi haw dhurun
Ikaar lagu casuumoo
Laga naco carshiga sare
Nin hortaa caasiyay
Waalidkiina ciil baday
Oon calaamo lagu ridin
Cara edeg laguma arag
Caku waalid liitoo
Hadeer ciirsimaad biday
Curashashada ul jabaysiyo
Waayeel culeys qaba
Marna lama canaadee
Cirkan kaa sareeyaa
Inuu caawa kugu dumo
Ama ciida hoosiyo
Dhulka caadil kula jaro
Cidhib laawe kaa dhigo
Maanad kaba cabsoonayn
Cududaha laxaadkiyo
Ka curyaanto dhaayaha
Amad ciida miistoo
Xisku ku ciladdoobood
Waali tuurto calalada
Maanad kaba cabaoonayn
Noloshuba cibaariyo
Dhacdo cusub ma waydoo
Nin u baxay cirkaa sare
Wakhtaa hoos u soo celin
Runta Caadka kaa koray
Waa Cibaaro kula taal
Iyo nabar culays lehe
Miyaad caafimaad qabi
Calankaagu taagnaan
Waligaa cudoonaan!!!
.
Maamlaha cartamayaa
Ku caraabin doonoo
Cajil iyo da’ baad noqon
Seediyo car jawdiyo
Wuu tagi cadkaagani
Baribaad can buusnaan
Sida caday u dhuubane
Ha dhitaysan cuqubada
Adoon hadalka celin karin
Cawradaada dadan karin
Carabkaagu talax gabay
Caruurtiyo dhashaadaa
Kugu carigsan doonoo
Waad cabasha badatee
Nagadaa catawgiyo
Kugu odhan caabaadkee
Yaan cadhada eebiyo
Cawri waalid kugu dhicin
Ku cuskanin inkaaruhu
Caydhiyo saboolnimo
Yaan cidhif laguu sudhin
Dadka yaad qof caanoo
Farta lagu cilaanshoo
Canbaarasan kuu garan
Carabkaagu yuu baran
Hadal caabuq keenoo
Yaan colaad u joogiyo
Ballo caashaq lagu qorin
Cadaab haw amaah guran
Ha ku noqon xumaha caan
Hana galabsan caalwaa
Ceeyoon labada dago
Ku casilo Ilaahay——-
–
Qallinka: M. Cumar