Somaliland: Shirkadda DP World Ee La Wareegtay Maamulka Dekeda Berbera Oo Diiday Daawaynta Shaqaale Ku Dhaawacmay Dekedda

Date:

Saddex ka tirsan Shaqaalaha Dekeedda Berbera, ayaa dhaawacmay, ka dib markii uu ku dhacay Wiish Alaabta Roga, sida la sheegay Sabtidii shalay, waxaanay wararku intaas ku dareen in Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World oo Dekeddaa Maamushaa diidday Dawaynta Shaqaalaha dhaawacmay.

Shaqaalaha dhaawacyadu ka soo gaadheen Shilkaas oo la kulmay iyaga oo Shaqadooda Maalinlaha ah ee Dekedda ku guda-jiray, ayaa mid ka mid ah dhaawacisiisu culus yahay loo soo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa oo la sheegay in la keenay Cusbitaalka Hargeysa oo Qaybta Lafaha la dhigay.

Ila-wareedyo Xog-ogaal ah oo Wargeyska Saxafi soo xigtay, ayaa sheegay in Shaqaalahan dhawacu soo gadhay oo 3 Qof ahaa, laba uu dhawaacoodu sahlan yahay, halka midka kale uu culus yahay, isla markaana dhawacaasi uu jabniin dhanka Gacmaha iyo Lugaha ah yahay, kaas lagu dabiibayo mid ka mid ah Dhakhtarka Lafaha magalaada Hargeysa; sida ila-wareedyada Wargeyska Saxafi soo xigtay xaqiijiyeen.

Waxaanay ila-wareedyadaasi Wargeysku soo xigtay intaas ku dareen in Maamulka Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera ay diideen Dawaynta Shaqaalaha dhaawacu soo gaadhay, maaddaama uu heshiiska Xukuumadda Somaliland iyo DP World ku jirin Dawaynta Shaqaalaha dhaawacu soo gaadho, iyagoo ku guda-jira Shaqo.

Waxaana la filayaa in maanta kulmaan Masuliyiinta Waaxaha Dekadda iyo Maamulka Shirkadda DP World Dekedda Berbera iyo Axmed Yuusuf Dirir oo ah Maareeyihii hore ku wareejiyey Maamulka Shirkadda DP World Dekedda Berbera.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...