Somalia: Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaraya dulleedka Garbahaarey

Date:

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in waqtigan uu halkaa ka soconayo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Gaar ahaan dagaalka ayaa ka socda deegaanka lagu magacaabo Birta Dheer oo qiyaastii 14KM u jiro Garbahaarey, waxaana uu dagaalka ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay weerareen ciidamo ka tirsan dowladda oo howlo gallo miino baaris ka waday inta u dhaxeysa Garbahaarey iyo Buurdhuubo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isu adeegsanayo hubka madaafiicda oo laga maqlayo qeybo ka mid ah Garbahaarey.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in dagaalka wali uu socdo, ayna jiraan khasaarooyin aan illaa iyo hada la sheegi karin.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay ku biireen dagaalka ka socda duleedka Garbahaarey oo saameyntiisa laga dareemay gudaha magaalada.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah deegaannada ay ku xoogan yihiin xarrakada Al-shabaab, halkaa oo mrar badan oo hore ay ka geysteen weeraro sababo dhimasho badan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...