Beledweyne : Ganacsiga oo maalintii labaad xiran iyo dibadbaxyo rabashado wata oo dhacay

Date:

Waxaa  maalintii labaad magaalada Beledweyne ka taagan jahwareerkii ganacsi ee ugu xumaa kaddib markii ay ganacsatadu gabi ahaanba diideen in ay wax ku iibsadaan lacagta shiling Soomaaliga.

Dibadbax rabashado wata oo ay dhigayeen dad intooda badan ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ayaa maanta ka dhacay magaalada, kuwaa oo ka cabanaya go’aanka ay qaateen ganacsatada madaama lacagta kaliya oo ay heli karaan qoysaskan tahay tan shiling Soomaaliga ee la diiday in wax lagu iibsado.

Dadkan ayaa la arkayay iyaga oo dhagaxyo ku tuuraya goobaha ganacsiga ee xiran, iyaga oo dhinaca kalana dalbanayay in gabi ahaanba la joojiyo adeegsiga EVC Plus-ka oo ah Aalad lacagaha leysugu gudbiyo.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan ka mamnuucay lacagta shiling Soomaaliga, taas oo sabab u ah in ganacsiga Beledweyne hakad gallo.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maalintii shalay ku amray ganacsatada in ay furaan goobahooda ganacsiga, islamarkaana qaataan lacagta shiling Soomaaliga ah, hasse ahaatee amarka ka soo baxay maamulka ma noqon mid dhaqan-gala oo wali waxaa jirta cakirnaan dhinaca ganacsiga oo aan la ogeyn waqtiga ay soo dhamaan doonto.

Go’aanka ay qaateen ganacsatada ayaa saameynteeda ugu badan waxaa ay ku dhici doontaa qoysaska danyarta ah waxaana arinta la yaabka leh tahay in adiga oo heysta lacag haddana aadan waxba iibsan karin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...