Mid Ka Mid Ah Dalalka Adduunka Oo Gabi Ahaanba Mamnuucay In Dalkaasi Laga Isticmaalo Cabidda Sigaarka Iyo Ka Ganacsigiisaba

Date:

Waddanka Turkmenistan oo ka mid ah dalalka Muslimiinta ah ee ku yaalla badhtamaha qaaradda Aasiya ayaa laga hir geliyey qorshe xukuumadda waddankaasi sannadkii hore soo saartay oo ah in gabi ahaanba dalkaasi laga mamnuucay cabitaanka Sigaarka iyo ka ganacsigiisaba iyada oo gabaax lacageed oo culus la saari doono qof kasta oo dalkaasi u dhashay haddii la arki isaga oo xabbad sigaar ah dhuuqaya ama ka ganacsanaya.

Madaxweynaha dalkaasi Turkmenistan Gurbanguly Berdimuhamedow ayaan ganaax adag ku soo rogay qofkii lagu helo inuu cabay ama ka ganacsanayey sigaarka, iyadoo ciddii lagu arko laga qaadayo ganaax lacageed oo dhan 6900 oo lacagta dalkaasi ah una dhiganta $1,971 Doollarka Maraykanka ah.

Ganacsiga sigaarka ayaa suuqa madow lagu kala iibsadaa dalkaas waxaana baakidhkii sigaar ah la siiyaa lacag dhan 11 dollar, kaasoo ah qiime aad u sarreeya oo aanay dadka caba sigaarka intooda badan awoodi karin marka la eego qiimihii caadiga ah ee mamnuucidda ka hor la iibin jiray oo ahaa wax ka yar hal dollar baakidhkii.

Arrintan ayaa keentay in inta badan dadkii sigaarka cabi jiray ay iska joojiyaan, kuwa weli sida dhuumaaleysiga ah u cabana ay qarka u saaran yihiin inay qaadaan tallaabadaasoo kale silica iyo rafaadka ay ku qabaan awgeed.

Tallaabadan ayaa sababtay in shacabka waddankaas oo muslimiin u badan ay ka raystaan dhibaatooyinka uu sababo sigaarka ee dhinacyada caafimaadka iyo akhlaaqda bulshada.

Sida Qorshaha dalkaasi yahay, Go’aankan ayaana ka dhigan in dalka Turkmenistan aan lagu arki doonin qof sigaar caba marka la gaadho sannadka 2025 ka, booliska dalkaas ayaana sameeya howl-gallo iyo dabagal joogto ah oo ku aadan sigaarka iyagoo soo xidha cid walba oo ay ku tuhmaan inay sigaar cabbayso.

Turkmenistan oo ka mid ahaan jirtay jamhuuriyadihii Midawga Soofiyeeti ayaa si hordhac ah oo tijaabo ah sannadkii 2004 u mamnuucday tubaakada taasoo gogol-xaadh u aheyd mamnuucida sannad ka hor ay ku sameysay sigaarka ee imika sida buuxda u dhaqan galaysa.

Sida ay sheegtay laanta Caafimaadka adduunka ee Qaramada Midoobay WHO Lixdii ilbidhiqsiba waxaa caalamka ku dhinta qof sigaaryo caba, daraasad la sameeyey ayaana lagu ogaaday in 100 milyan oo qof ay sigaar cabista u geeriyootay qarnigii 20aad, iyada oo 6 milyan oo qof sannad waliba ay u geeriyoodaan cabista sigaarka oo sababa cuduro halis ah oo uu ka mid yahay kansarka ku dhaca sambabadu.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...