Somaliland: Deegaanada Sanaag Bari Oo Laga Baafinayo Dawladnimada Somaliland, Jabhad Cusub Oo Iskeed Isku Abaabushay Oo U Istaagtay Difaaca Deegaanka Iyo Wasiirrada Ka Soo Jeeda Oo Aan Hargeysa Dhinacna U Dhaafin

Date:

“Anaga Askari Somaliland Ka Qoran oo Mushahar Qaata oo aan Meesha Tagin Uma Baahnin, Haddii Aanu Maamul Leenahay Mee, Muxuu Noo Difaaci Waayay”? Taliyaha Jabhadda Gaadh-haye ee Dhawaan Lagu Dhawaaqay

Dhawaan ayaa deegaanka Laasqoray ee gobolka Sanaag lagaga dhawaaqay jabhad cusub oo lagu magacaabay Gaadh-haye, waxaana la sheegay inay jabhadaasi deegaanka ka ilaalin doonto khatarta argagixisada iyo xarakada Al-shabaab oo ay sheegeen inuu damac kaga jiro buuralayda Sanaag.

Hogaamiyaha jabhadaas oo lagu magacaabo Jeneral Jaamac Maxamuud Indhayare ayaa waraysigii ugu horeeyey ee qorshaha jabhadiisa la xidhiidha waxa uu siiyey wariye Khadar Macallin Deeq oo ka ttirsan telefishanka Bulsho, waxaana uu si cad u sheegay inau u istaageen difaaca deegaanka, sidoo kalena waxa uu cadeeyey inaanay wax garab ah ka helin dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland toona.

Jeneral Indhoyare ayaa ugu horayn ka hadlay muhiimadda ay u istaagtay jabhadiisu, waxaana uu yidhi:

“waar heedhe sidaad ka warqabtaan hawluhu way iska badan yihiin, deegaandiina balaayo ayaa soo gashay Al-shabaab, waxaana laga cabsi qabaa inay dhulka buuralayda ah qabsadaan, aniga ujeedaydu waxay ahayd baraarujin dadka ah iyo ciidanka aan ku dhawaaqay bal inuu waxan difaaco, askari Puntland iyo mid Somaliland laga soo qoray oo mushahar qaadanaya oo aan meesha tegayn anagu uma baahnin, markaa ciidanka Al-shabaab ayaanu u samaynay iyo wixii la hal maala”

Mar la waydiiyey inay cid ku tiirsan yihiin waxa uu sheegay inaanay jirin cid ay hadda ku tiirsan yihiin balse inuu soo dhawaynayo haddii ay dawladda Somaliland ka qayb qaadanayso difaaca deegaanka, waxaana uu yidhi:

“Dadku haddii ay nolol doonaaan, nolol agtooda ayay taalla oo ma waayaan, dadku xooluu leeyahay, dhaqaale ayuu leeyahay waa la isku tashanayaa waa loo jabhadaynaa nimanka, iyaguba waa jabhad, illaa iyo hadana cid aanu ku tiirsanahay oo aanu leenahay wax baa naga soo gala ma jiraan siyaasadna waa ka madax banaanahay, masuuliyadda dalka taalla ee nimankan (Shabaab) ku wajahana waa loo wada siman yahay, haddii ay Somaliland gacan naga siinayso waanu ogolnahay, haddii ay Puntland gacan naga siinayso waanu ogolnahay”

Ugu dambayn Jeneraal Jaamac Maxamed Indhoyare ayaa sheegay inaan deegaankiisa maamul ka jirin, waxaana uu sheegay inay jiraan askar Somaliland lacag ka qaata oo aan deegaanka ka soo xaadirin “Haddii ay dawladi leedahay anaga ayaa idin difaacayna meeday? mee maamulka ka taliyaa? waa inaynu runta ka hadalnaa, Somaliland iyo Puntland midna nalama soo xidhiidhin, waxaaban maqlayay Puntland way ka xanaqeen, maxaad isku difaacaysaan ayay ka xanaaqeen, Somaliland nalamay soo xidhiidhin laakiin inay ka xanaaqeen maan maqal. Haddii se ay nala soo xidhiidhaan aragtideeda ayay leedahay, anigu siyaasad a rabo maamuladu inay wax igu siiyaana uma gelin ee ficil baan u galay, niman Koonfur ka yimi oo dhulkii kugu qabsanaya, markaa haddii ay gacan la i siinayo diyaar baan ahay”

Marka la isku soo duubo waxaa cad in dadka deegaanka Sanaag bari ay diyaar u yihiin dawladnimo dhulkooda ka hana qaada, balse aanay jirin cid diyaar u ah inay ka hirgaliso waxaana ay dhaliisha ugu wayni saaran tahay xukuumadda iyo wasiirrada beeshaas ka soo jeeda ee Hargeysa lacagta ku bur-bursanaya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...