Dawlada Somaliya ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ay ka hadashey saldhiga ciidan ee dalka Turkigu uu ka dhisanaayo caasimada dalka Somaliya ee Moqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Amaanay xarunta Tabarka Military ee Turkigu uu ka Furanayo Dalka Somaaliya, taas oo la filayo in si Toos ah loo furo Bilaha Soo socda waxaana uu yidhi
” Xarunta Tababarka Military ee ay Aas-aaseen Saaxiibadeen turkigu, waxaaaa ay noqondoontaa xarun Tababar tii ugu Horeeysay ee ugu Habooneeyd Ciidamadda Soomaaliya, Taasi waa sababta ay aad inaga Muhiim inoo tahay” ayuu Yidhi Wasiirka Arrimah Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo lahadlay wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.
Waxaana uu intaasi sii raaciyey ” Waxaan Rijeeyneeynaa in Saldhigaani uu Xoojin doono Howlkarnimadda Ciidamadeena” ayuu yidhi Wasiir Yuusuf.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa waxaa uu sheegay in uu isagu Booqday Saldhigga Casriga ah ee ku yaala duleedka Magaaladda Muqdisho.
Muddane Yuusuf Garaad Wasiirka Arrimaha Dibbadda Soomaaliaya ayaa sheegay in Bilaha Soosocda la furi doono Saldhigga Balse ma uusan sheegin Waqti Cayiman oo Furitaanka Saldhigaan loo Qorsheeyay.