Sababtii Madaxweyne Erdogan Koomada U Galay Markii Loo Diyaar Garoobayay Salaaddii Ciidda Oo La Ogaaday

Date:

Wakhti la isu diyaarinayay tukashada salaadda Ciidda ee shalay oo Axad ahayd ayaa waxa mar kali ah dadkii ku tukanayay masaajidka weyn ee Istanbul waxa ay ka war heleen Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan oo xaalad miyir doorsoon ah galay kooxdiisa ilaalada gaarka ahina dibadda ula baxeen.

Sida uu shalay baahiyey telefishanka Sky News waxa dalkaasi Turkiga laga dareemay xaalad miyir doorsoon ah oo la soo deristay Madaxweynaha Turkiga Mr. Erdogan kaasi oo la sheegay in uu xaaladdaasi caafimaad galay wakhti isaga iyo masuuliyiin kaleba ay isu diyaarinayeen tukashada salaadda Ciidda in ay kala qayb galaan dadweynaha dalkaasi.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in Erdogan uu isku dumay isaga oo doonayay in uu fadhiga ka kaco kadibna ay ilaaladiisu dibadda u saareen muddo kooban kadibna ay masaajidkii uu ku sugnaa ku soo celiyeen. Warbaahintu waxa ay sheegtay in xaaladda Erdogan ay ka dhalatay xaalad caafimaad darro oo uu galay kadib markii la sheegay in wareegga dhiigiisu hoos u dhacay maadaama uu leeyahay xanuunka macaanka.

“Ilaahay ayaa mahad leh. xaalad koomo ku dhaw ayaan galay. waxa aan leeyahay cudurka macaanka sidaa darteed ayaan xaaladdan u galay balse markiiba waan soo fiicnaaday waanan wanaagsanahay” sidaa waxa yidhi Erdogan oo dadkii masaajidka ku sugnaa la hadlay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...