Somalia: Imisa Qof Ayaa Ku Djintay Saddexdii Qarax Ee Ka Dhacay Bishi Ramadaan Magaaladda Muqdisho

Date:

Saddex Qarax ayaa sagaal maalmood gudahooda ka dhacay magaalladda Muqdishu, oo intooda badan ay ku dhinteen dad shacab ah.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyad dhamaan qaraxyadaasi, waxaana ugu khasaaraha badnaa kii ka dhacay maqaayada Pizza House ee degmadda Hodan.

Qaraxii koowaad waxaa uu dhacay 14-kii Bishan June:

Al Shabaab ayaa gaari qarax laga soo buuxiyay ku weeraray maqaayada Pizza House, kadiba dableey hubeysan ayaa gudaha u galay maqaayada.

Ugu yaraan 25 qof oo 7 kamid ah ay ahaayeen haween ayaa goobta ku dhintay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaayo, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab, waxaana dhinaca kale uu tacsi u diray dadkii khasaaraha uu kasoo gaaray Qaraxa waxaana uu yiri “Dadkaasi waxaa ay ahaayeen dad shuhada ah oo bil soon ah la dilay, waliba xili ay faraxsanaayeen waa in laga murugoodo, in bil Ramadaan ah waliba 10-kii dambe lagu jiro in dad Soomaali ah oo aan waxba galabsan in la laayo”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Qaraxii labaad waxaa uu ka dhacay xaruunta degmadda Wadajir 20-kii bishan June.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 18 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof ismiidaamiye ah lagu dhuftay xarunta degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in baabuurka uu xoog ku soo galay barxadda xarunta, islamarkaana uu gaystay khasaare ballaaran oo dhimasho, dhaawac iyo burburba leh.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo ay sheegeen inuu fuliyey qof ismiidaamiyey oo watay baabuur.

Qaraxii saddexaad waxaa uu dhacay 22 bishan June.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyootay,19 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Saldhigga booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qarax oo loo adeegsaday baabuur nooca Surf loo yaqaan ayaa lala beegsaday saldhigga, Baabuurka oo uu watay qof aan weli la aqoonsan ayaa la sheegay inuu ku leexiyey saldhigga, kadibna qaraxa uu dhacay.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira haween badan oo marayey waddada iyo qaar ka mid ah ilaalada saldhigga. Dhibanayaasha ayaa u badan dad shacab ah.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa wada cambaareyay Qaraxyadaasi, waxaana taas bedelkeeda dowladda ay sii waday adkeynta ammaanka magaalladda Muqdisho.

Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyey weerarka, waxana ay tacsi u direen shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo dhibaato ka soo gaartay, weerarka.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo baaritaanna ah ka sameeyay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Degmooyinka howlgallada ay ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Waabari, Xamar-jajab, Xamarweyne, Shingaani, Shibis, Cabdi Casiis iyo Degmooyin kale, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Waddada Maka Al-mukarama, ayaa sidoo kale ciidamada baaritaanka xooggiisa ay ka wadeen.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...