Wasiirka wasaarada hawlaha Guud iyo Guryeenta Somaliland Cali Maxamed Xassan Cali Mareexaan ayaa waxaa uu sheegay in aad uga walaacsan yahay mustaqbalka danbe ee madaarka Hargeysa .

Wasiirka ayaa sheegay in dadkii Hargeysa ku noola oo dhami min ganacsade , madax dhaqameed iyo masuulba ay dhamaantood doonayaan in dhul laga siiyo dhulka uu madaarka ku yaalo , kaas oo hadii la dego khatar weyn ku noqon karta garoonka isla markaana caqabad ku noqon karta madaarka hadii uu hadhow u baahdo dhul lagu balaadhiyo

” Faysal ayaa waxaa uu sheegay in Hargeysa madaarkeeda la saadaalinaayo in  uu noqon doono madaar caalami ah oo ifafaalihiisii muuqdo , lakiin anigu waxaan idiin sheegayaa war dhiilo ah oo ku saabsan madaarka Hargeysa .

Anigu waxaan ahay wasiirkii hawlaha guud oo dhulka ayaa I hoos yimaada , madaarka Hargeysa na waxaa laga yabaa 10 sanno ka dib in uu u baahdo Rain Way labaad iyo dhul badan , Hargeysa oo dhami dhulkii Madaarka ayey dooneysaa run baan idiin sheegayaaye , xafiiskeyga suldaan , odey , siyaasi  wada File ayuu sitaa oo dhulka madaarka ayuu doonayaa pp ii leeyahay meel iga sii markaas dee ama madaarka aynu  meesha caalamiga ah la hiigsano ama dee kuyuu soo gala oo boloodh baloodh u qaata  ” ayu yidhi wasiirku