Gabaygan aan Hal-ku dhiga uga dhigay, “Soomaaliyeey waad dhacdeen, Noloshii dheerayd” waa mid aan kula hadlayo dhamaan dhalinyarada shantii soomaaliyeedba, waxa aan kaga hadlayaa dayaca dhulka hooyo,
iyo hamiga dhoofka ee bulshadeena ragaadiyay iyo weliba dhacdadii xanuunka badnayd ee Carabta Liibiya kula kacday dhalinyaradii soomaalida ahayd ee ay Garaacayeen jidh-dilayeen tacadigana ugu gaysanayeen goobaha magafayaashu dadka ku qafaashaan, dhacdadaas xanuunka badan ee dadka damiirka leh ka ilmaysiinaysa ayaa igu kalfiftay curinta gabaygan aan kula hadlayo dhalinyaradeena
Gabaygan waxa aan ku lafa-gurayaa dhibaatada baahsan ee ina haysata waxaana ku ladhayaa qaabka looga bixi karo,
waxa aynu ognahay in dhamaan soomaalidii ay u muuqdaan kuwo kala dhaqaaqay oo kala danaystay, saa waxaan ku dhiiri gelinayaa bal iyagoo kala maqanba in ay walaalnimo ku wada jiraan, mid walba gaarkiisa horumar u gaadho inta aan xornimo haysana mustaqbalka xornimo loo raadiyo.
soomaalidu isku wada dar, Somaliland, somalia, jabuuti DDSI, iyo NFD ba maanta waa dadka aduunka ugu nolosha liita waa umada qudha ee dunida ku fekerta in ay dalkooda ka tagaan oo dalalal qalaad qaxoonti ku noqdaan, waa umada qudha ee naftooda bada ku tuurta si ay u gaadhaan dal ragii lahaa dhistaan, ila wadaaga gabaygan aan ku hoga-tusaalaynayo dhalinyaradeena waakana isagoo qoraal ah.
Nimanyohow dhawaaq gabay anoo, dhigay Warkiisiiba.
Anigoo ka dhawrsaday murtida, dha’iyo wowgeedba.
Waxaan deelka uga dheegtayoon, dhiinka uga heesay.
dhanbaal aan dhulkeenii ka sidaan, idin dhegeysiine.
dhegihiina ii fura murtidu, dhaxal gal weeyaane.
Dhamideed aduunyada ragbaa, taladii loo dhiibay.
Tu’na dhaafta dharaar aynu joogno, iyo waaga dhalan doona.
sadexdaa dhardhaarbaa waqtiga lagu dhiteeyaaye.
dhacdo weeye taariikhda iyo, aadmigii dhigaye.
Qaran waliba wixii uu dhigtuu, dhiil ku shubayaaye.
bulshadiisu wixii ay dhashuu dhab ugu aayaaye,
ubadkuna wuxuunbay dhaxlaan, dhi’dii adoogoode.
xidigaha ragbaa dhawrayoo, dhaafay dayixiiye,
soomaaliyeey waad dhacdeen noloshii dheerayd.
Hadeeraad tahriib lagu dhintiyo, dhoof ku dirirtaane
ku dhamaate badihii dar’naa dhinacyadoodiiye.
qaxoontaysku dhiibteen halkaad dhaqan lahaydeene.
duunyana kamaad dheefsanine waad ku dhimataane
dhulkii hooyo yaa looga tegey, wada dhaqaaqdee.
Hadii kii dhawaaqaba qurbaha, dhibay ku Baanaayo ,
shilinkuu ku dhaataba haduu, tigidh ka dhiibaayo
dal ragii lahaa wada dhisteen, dholol ku aadaayo
kiisiina uu dhaabanyahay, sow dheg xumo maaha.
dhimashada marbaa laga bidaa, dhaqasho shaydaane
dhulkii hooyo yaa looga tegey, wada dhaqaaqdee.
Maantana warkaa soo dhiciyo, dhiiladiyo ciilka
ilmadaa dhacaysee dushiyo, qoysay dhabankayga
qamuunyadaan ku dhaawacay jidhkiyo, dibinta dhiigaysa.
dhakafaarku waa wixii ku dhacay ubadkii dhoohnaaye
dhiig malaha carabtii dhinayd, amase dheecaane.
islaanimana kuma dhawrayaan, maatidaa dhibane.
wax la yidhi dhalaankii tegey dhebi u waaleene
wax la yidhi dhashii tacabirtay dhagax ku laayeene
wax la yidhi sidii dheemankay lacag ku dhawraane.
dhoof jeclaysigii bay dil iyo dhagar ka qaadeene
dhiigoodii baa wada qulqulay, carab dhexdoodiiye.
kuma dheera ubadkii dhintiyo, dhalintan yaacaysa.
soomaaliyeey waad dhacdeen, noloshii dheerayd.
Kumanaan qabyaaladi dhintoo dhowr nin daba joogta.
kumanaan qurbaha dhoobanoo, caydh ku dhololaaya.
kumanaan dhulkoodii nocoo, dhoof ku diriraaya.
kumanaan badweyn dhexe galoo dooni ku dhamaysay.
kumanaan dhabada sii hayoo dhoohan baa badane.
intaas oo kun oo dhaarsanbay noqotay, dheeftiiye
soomaaliyeey waad dhacdeen noloshii dheerayd.
War hadaydin talo dheeginoo dhoofka ka dawoobin.
ama waydin wuxuun dhiganin oo talada reer dhaafin
dhexda hadii aydan xidhaninoo, dheefso u dhaqaaqin
dhulka hadii aydin aamininoo dhaxalka raacdaynin
war hadaydin wada dhisaninoo, dowladaha dhowrin
nin waliba dhankiisaa ka qaban dhinaca soo liica
oo kala dhaqaaqdee hadaan, laysku dhinac joogin
shantii qarana dowlado u dhalan, midiba dheef keento.
Dhii-dhii es ay iyo hadaan, calanku dheeraynin.
jabuutina hadii aysan dhalin, guusha dhinaceeda
soomaalilaan dhaarataye, dhaxalka weynaynin
soomaaliyana aysan dhalin, nabadan dheeraatay.
en ef dhii hadii aan xornimo, loogu dhalin xooga.
walaalnimo hadaan lagu dhisnaan dhimatay soomaali
taariikhdana dhalool baad ku gali, dhagari aafaysay.
dhulkiinana amxaaraa u hadhi, dhac iyo boob keenta.