Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid madax-dhaqameedka waaweyn ee beesha Dhulbahante ayaa ka soo horjeestay heshiiska dhexmaray kooxda Khaatumo iyo xukuumadda Somaliland waxaana uu ku tilmaamay mid aan iyaga khusayn.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa sheegay in kolkii horeba aan Cali Khaliif beesha Dhulbahante dooran ee la iska daayay markuu sheegay inuu wax qabanayo waxaana uu intaas raaciyey in qodobada Hargeysa lagu kala saxeexday aanay beeshiisa u cuntamin, isagoo arrimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi:
“Muslimku ha maqlo Isaaqoo dhan ha maqlo Gaaladu ha maqasho Shirkaas Hargeisa nama quseeyo kan dambe ee 10-ka Bishuna nama Quseeyo wixii kasoo baxaana nooma yaalaan, mana raacayno mana hoos galayno saamina kama doonayno, Cali Khaliif anagu maanu dooran faraha ka qaada ayuunbaanu nidhi haddii uu wax qabanayo”
Garaad Saleban Garaad Maxamed ayaa noqonaya Garaadkii labaad ee ka soo horjeestay heshiiska Khaatumo iyo Somaliland, waxaana ka horeeyey Garaadka guud Garaad Jaamac oo isna ku gacan saydhay, waxaana ay u muuqataa in shakhsiyaad lala shiro uu ka balaadhan yahay xalka gobolada barigu ayna haboontahay in bulshada la tuso waxqabad iyo adeegyada aasaasiga halkii boqolaal kun oo doolar lagu soo xero-galin lahaa hadba shakhsiga madaxda ka ah kooxda Khaatumo
https://youtu.be/Sf225jPoznM