Somaliland: Waftigii Kooxda Khaatumo Ee Prof Cali Khaliif Galaydh Hogaaminayey Oo Gaadhay Magaalada Widh-widh Iyo Xiisada Ka Taagan

Date:

Waftigii ka socday kooxda Khaatumo ee maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa isla markaana ahaa waftigii ka qayb galay heshiiska ay kala saxeedeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa xalay ka guureeyey magaalada HArgeysa.

Waftigan oo tiradoodu dhamayd dhawr iyo toban xubnood isla markaana uu hogaaminayey horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa waxay goordhawayd gaadheen magaalada Widh-widh oo ka tirsan gobolka Sool.

Waftigan oo iskugu jiray wasiiro,wasiiro ku xigeeno iyo xildhibaano ka tirsan kooxda Khaatumo ayaa la sheegay in lagu soo dhaweeyey magaalada Widh-widh ee gobolka Sool.

Waxaana ay waftigan kala ahaayeen,Horjoogaha kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh Gudooniyaha Barlamaanka kooxda Khaatumo Maxameud Sheekh Cumar, Wasiirka Amniga Keyse Cabdi Yusuf, Wasiirka Amuuraha Khaarajiga Shabac, Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Cali, Wasiirka Caafimadka Dhag buro,wasiiro ku xigeeno,xildhibaano iyo siyaasiyiin ka  tirsan kooxdaasi Khaatumo,waxana ay goor dhawayd gaadheen Widh-widh.

Sidoo kalena wararka naga soo gaadhaya magaalada Widh-widh soona gaadhaya Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in xubno ka mid ah waftigaasi ay u dhaqaaqeen dhankaa iyo magaalada Buuhoodle oo maalmihii u danbeeyey xiisad ka taagneyd isla markaana ay maamulka Puntland ka wadaan abaabulka ciidamo maleeshiyaad ah oo kasoo horjeesta heshiiskan ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.

Waftigan ayaa laga yaabaa inay saacadaha soo socda Warbaahinta la hadlaan kana waramaan guulaha kasoo dhashay socdaalkoodii ay ku tageen Hargeysa iyo nuxurka heshiiska ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...