Somaliland: Diyaarado Ka Soo Kacay Saldhigyada Djibouti Oo Duqaymo Ka Gaystay Deegaanada Gobalka Salal

Date:

Muwaadin ay xoolihiisa duqeeyeen iyo badhasaabka Salal oo ka hadlay diyaaradahan

Badhasaabka gobalka Selel Axmed Maxamed Xaashi ayaa daboolka ka qaaday in diyaarado ay duqaymo ka gaysteen gobalkaas Salal, kaas oo ay ku laayeen xoolo nool.

Diyaaradahan oo aan weli la aqoonsan ayaa loo tirinayaa inay yihiin kuwa reer galbeedka ee saldhigyada ku leh dalka Djibouti.

Mid ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee ay xoolahooda diyaaradahani laayeen ayaa ka waramay sida loo soo weeraray iyo waxii ay la kulmeen, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidh”Diyaaradihii bilaa laydh ayay noqdeen oo waa ay bakhtiiyeen anaguna waanu shakinay oo tooshkiina waanu iska bakhtiinay dabkii aanu wax ku karsanaynayna waanu bakhtiinay telefoonkiina waanu iska xidhnay oo cabsi ayaa na gashay,markaas meelnaga koonaysa ayay rasaastii ku riday ilaa indheer ayay ku riday oo dhulkiiba dab cad ayay ka dhigtay, anaguna waanu dhabaranay waxii aanu la joognayna in baxsatay iyo in kaleba waa ay noqdeen, iyada oo bilaa ilays ah ayay naga jiiraysay oo halkaas badda ku toosan ayuu guuxeedii u laabtay, waxay yihiina maanu garanayan,markii waagii baryay ayaanu doondoonay oo waxii geelii baxsaday mooyaane intii kalena meel miyiga ah ayaanu gaynay markaas subaxii waxaanu aragnay mid dhaawacan iyo mid bakhtiyay oo geelii ka mid ah.” ayuu yidhi odaygaasi.

Badhasaabka gobalka Selel Axmed Maxamed Xaashi ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay ku hayaan diyaaradahan oo uu sheegay inay dhanka badda kaga soo kacayaan, waxaana hadaladiisa ka mid ah “Halkani waa dooxa Goroyood oo dad masaakiin ah ayaa degen waa dad xoolo dhaqato ah oo waa kuwaas aynu guryahooda arkayno intay leegyihiin iyo halkay ku jiraan, waa dadkii ay abaaruhu waxyeeleeyeen waa dad aad u taagdaran hadana tii waxa u raacday wax ku soo cusboonaaday gobalka oo waxaad maalin walba maqlaysaa diyaarad ayaa meel fadhiisatay hore bariisle ayay u fadhiisatay,buurahan dhexdooda in faro badan ayay wax ku riday meelo aan dad joogin markaas, waxa la sheegayaa meelo kale inay xoolo waxyeelaysay dadkii dhibtaas ayaa haysata, diyaaradahani dhankan bada ayay ka soo kacaan habeen oo dhan guuxooda iyo wax bada lagu ridaayo ayaa Saylac nagu dawakhiya, taar ayaanu arintan uga dirnay wasaarada arimaha gudaha iyo xukuumadda.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...