Prof.Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay inay u baahan yihiin in dastuurka Somaliland lagu muujiyo awood qaybsiga dalka, waxaanu daboolka ka qaaday in dastuur furistiisu ay xudun u tahay wada hadalka oo arimaha kale ee laga wada hadlaayo lagu salaynaayo.
Waxa uu Cali Khaliif difaacay qodobkan furitaanka dastuurka oo ku jiray heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland ay wada gaadheen, waxaana uu arimahan kaga hadlay waraysi uu siiyay Cabdishakuur Haybe oo ka mid ah tilifishanka Somalinews, waxaana hadaladiisa ka mid ah
“Qodobkan in dastuurka Somaliland dib loo furo waxa u ahaa mid iyaga iyo anaguba aanu isku afgaranay in dib loo furo, Somaliland sida ay hadda tahay iyo haayadaha dastuuriga ah ee jira ama baarlamaanka ha noqodo ama xukuumada jirta iyo habka uu maamulkan oo dhani u dhisan yahay hab aanu anagu ka qaybgalayno maaha waa ay jiraan afraad ka timi Sool,Sanaag iyo Cayn oo xukuumada ka mid ah ama baarlamaanka ku jira, wadaadkii waxa u yidhi Cadana anaga ayaa tagnay oo Alle ha laga yaabo laysku raac, mida laysku raacay waxa weeye dadka reer Sool,Sanaag iyo Cayn in maamulka Somaliland ee hadda jira aanu ahayn mid ay raali kaga yihiin habka uu u dhisan yahay iyo siyaasado badan oo uu ku shaqaynaayo.
Mida aanu ku soo ruurinayna waxay tahay in laga wada hadlo, dastuurka furistiisu ma noqonayso dhawr qof oo meelahan ka muuqmuuqda wax wada qaybsi la yaqaano oo dastuuri ah ayaa lagu hiranayaa, mid aan hada tafaasil ka bixin karana maaha, waxa jira waxyaalo wax lagu qaybsado oo dawlado hore dastuurkooda wax ay qaybsadeen ku dhigtayna waa ya jiraan waxii aanu ka faa’idaysanaynana waa ka faa’idaysanaynaa, qodobkaasi waa ka dhextaalka u ah waxii kale ee la wada qabanaayaba in arintaas si maskax furan ah loo wada eego, wax lagu wada raali yahay oo khaasatan dadka Sool,Sanaag iyo Cayni ay raali ku yihiina inay ka soo baxaan.” Ayuu yidhi