Somaliland: Nin U Dhashay Dalka Yamen Oo Xatooyo Badan U Gaystay Meherado Ganacsi Oo Hargeysa Ku Yaala Iyo Ciidamada Booliska Oo Ku Hawlan Soo Qabashada Ninkaasi

Date:

Nin dhalashadiisa la sheegay inay tahay Yamen ayaa jabsaday meherado ganacsi oo kala duwan oo ku yaala magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

Tuuggan la sheegay inuu dhalasho ahaan kasoo jeedo Yamen ayaa qaab farsamo oo aad u saraysa u jabsaday dukaanada oo ku kala yaala goobo kala duwan,waxaana uu meheradahan ganacsi ee uu jabsaday uu uga soo dhacay xagga sare ee meheradaha,waxaana uu Jiingadihii meheradaha saarnaa ku gooyey Maqas uu watay oo uu ku jarayey jiingadaha maheradaha.

Ninkan tuuga ah ayaa waxa uu xatooyo badan u gaystay meheradahaas,waxaana la sheegay inuu ka qaatay meheradaasi lacago badan iyo Dahab dhex yaalay maheradahaa ganacsi.

Sawirka ninkan tuuga ah ee meheradaha jabsaday ayaa waxa muuqaalkiisa duubay qaar kamida meheradahaas oo ay ku rakibnaayeen Kamaradaha CCTV-Camera la yidhaa,kaas oo muuqaaladaasi laga dhex arkay isaga oo jabsanaya Qasnadihii lacagta ee goobahaasi yaalay.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku daba jira soo qabashada ninkaasi la sheegay inuu dhalasho ahaan kasoo jeedo Yamen ee xatooyada dhaca ah u gaystay Meheradaha ganacsi ee Hargeysa ku yaala,waxaana ciidamadu baadhitaan ku hayaan ninkaasi.

Maheradaha uu dhaca u gaystay ninkan ayaa waxay ku kala yaalaan xaafadaha Jigjiga yar,Xero-awr iyo Shacabka,kuwaas oo baadhitaano uu ku sameeyey ku ogaaday inaan habeenkii la dhex seexan maheradahani ganacsi sidaasna uu ugu soo dhacay.

Waa markii ugu horeysay ee Hargeysa meherado ku yaala uu nin dhalasho ahaan la sheegay inuu kaso jeedo Yamen uu dhac iyo xatooyo intaa leeg ka gaysto.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...