Deg Deg: Wasiir U Geeriyooday Dhaawac Ka Soo Gaadhay Qaraxii Maanta Ka Muqdisho

Date:

Maxamed Yuusuf Aw Libaax oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Jubbaland ayaa caawa fiidkii u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waabari.

Allaha u naxariistee Aw Libaax ayaa qaraxaas ka soo gaadhay dhaawac culus, waxaana uu la sheegay in xilliga qaraxa dhacayay uu Wadada marayay.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa Jowhar.com u xaqiijisay geerida Aw Libaax, iyadoo ka tacsiydeeysay.

Aw Libaax ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Ururka Ahlu Sunna ee Gobolka Gedo, waxaa dhowr bilood ka hor loo magacaabay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland.

Illaa 8 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxii maanta ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waabari, waa qaraxii labaad oo labo maalmood gudaheed ka dhaca Muqdisho, iyadoo qaraxii Salaasadii dhacay lagu weeraray Xarunta degmada Wadajir.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...