Daraasad Caafimaad Oo Cusub Oo Ka Dayrisay Fadhiga Faraha Badan Iyo 7 Caafimaad Darro Oo Ka Dhalan Kara Fadhiga Badan

Date:

Khubarada Caafimaadku waxa ay maalinba maalinta ka dambaysa baadhitaano caafimaad oo hor leh ku ogaanayaan dhibaatada qofka bani aadamka ahi ka dhaxli karo fadhiga badan ee uu qofku saacado badan fadhiyo iyada oo qaab-nololeedka Bulsho ee wakhtigan casriga ahi keenay in dadku saacado badan ku qaataan fadhiga ha noqoto daawashada Telefishanka ama ha noqoto wakhti dheer oo uu shaqo ku qaato fadhiga isaga oo aan mar kali ah nuuxsan ama fadhiga ka kicin.

Warbixintan oo aan ka soo xiganayo Telefishanka Al Carabiya waxa ay tilmaan habboon innaga siinaysaa 7 arrimood oo innagu khasbaya in aaan ka waantowno in aan saacado badan fadhino iyada oo la innooga baahan yahay in aan ugu yaraan xarako ama dhaqaqaaq samayno hab nololeedkeena maalinlaha ah oo aan caadaysano in aan socsocono ama aynaan fadhiga badan ku daahin. Xataa haddii aad shaqada fadhi ku qabato waxa habboon in aan 30-kii daqiiqadoodba hal mar fadhiga ka kacno oo aan yara socono guriga ama xafiiska dhexdiisa.

Daraasad caafimaad oo natiijadeedii Toddobaadkan lagaga waddanka Maraykanka ayaa sheegaysa in 6 saacadood oo xidhiidh ah oo aad fadhiga ku qaadato maalin walba ay halis caafimaad kuu keeni karto iyada oo aad qarka u saaran tahay in aad u geeriyooto dhibaatooyinka caafimaad ee ay ka mid yihiin Wadne-xanuunka, Macaanka ama Sonkorta, buurnida iyo kansarka noocyadiisa kala duwan.

Khabiir Marten Lincoln oo ka mid ahaa khubaradii daraasaddan soo saartay ayaa sheegaya in jidhka bani aadamka oo ka kooban in ka badan 600 oo Muruq iyo 206 Lafood ay jidhka ka caawiyaan in uu sameeyo dhaqdhaqaaq taasi oo haddii ay shaqadaasi qaban waayaan ay halis keenayso in ay hawlgab noqdaan sidaana qofka uu caafimaadkiisu halis ku galayo.

7-da Arrimood Ee Halista Caafimaad Ah Ee Jidhka Soo Gaadhi Kara Haddii Uu Saacado Badan Fadhiyaa Waxa Ay Kala Yihiin:

  1. Ganacu waxa uu soo daayaa haddii uu qofku saacado badan fadhiyo dheecaano insoliin ah taasi oo keeni karta cudurka Macaanka ama Sonkorta.
  2. Fadhiga badani waxa uu hakiyaa ama cidhiidhi galiyaa in aannu dhiig ku filani gaadhin maskaxda taasi oo keeni karta in Maskaxdu shaqada joojiso ama ay saamayn taban oo caafimaad soo gaadho.
  3. Fadhiga badan oo qofku saacado dhaadheer fadhiyaa waxa ay xannibtaa ama dhibaato u gaysataa hab-dhiska dheefshiidka, waxa ay keentaa calool istaag iyo gaas badan oo calooshu soo dayso.
  4. Waxa uu fadhiga badani waxyeelo caafimaad u keenaa laf-dhabarta
  5. Jidhka oo si wanaagsan u gubi waaba dufanka jidhka taasi oo keenta in jidhka xadyh badani ku ururto.
  6. Fadhiga badani waxa uu daciifiyaa oo awoodda ka qaadaa lafaha taasi oo ugu dambayn qofka ku keenta in uu ku dhaco cudur lafaha burburiyaa
  7. Fadhiga badani waxa uu qofka ku keenaa in difaaca jidhkiisu hoos u dhaco.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...