Somaliland: DP World Oo Hor Istaagtay Qalab Uu Wasiirka Hawlaha Guud U Soo Dejiyey Dhismaha Wadada Ceerigaabo Iyo Nuxurka Warqad Madaxwayne Siilaanyo U Diray Maamulka Dekedda

Date:

Sherkadda Ayaa Codsatay In Ay Wasaaraddu Bixiso Lacagta Loogu Adeegay Soo Dejinta Qalabka

Sherkadda lagu wareejiyey maamulka dekedda Berbera ee DP World sida la sheegay hor istaagtay qalab ay la soo degaysay wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta oo loogu talo galay dhismaha wadada Ceerigaabo.

Sida ay shabakadda Heegannews u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan dekedda Berbera iyo xubno ka tirsan wasaaradda hawlaha guud, todobaadkii ina soo dhaafay ayay ay shirkadda Dp World hor istaagtay qalabkaas dhismeed oo wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland uu doonaayey in laga soo saaro dekadda Berbera, waxaana ay shirkaddu ku doodey in aan qalabkaas laga saari karin dekadda illaa ay Xukuumaddu bixiso lacagta adeegga ee cid walba laga qaado marka ay alaab la soo degayso, waxa uu taas diidey wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md.Cali Mareexaan.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in qalabkan oo dhowr maalmood ku xanibnaa dekadda Berbera markii dambe lagu soo daayey warqad codsi ah oo Madaxweynaha Somaliland oo uu qoray shirkadda Dp World, taasi oo uu ku caddeeyey in qalabkaasi yahay qalab ay dawladdu iska lee dahay isla mar ahaantaana uu ka codsanaayo in la soo fasaxo.

Arrintan ayaa caqabad ku noqon karta habsami u socodka hawlaha dawladda maadaama ay adagtahay inay hay’adaha dawladdu ay alaab kala so degaan dekedda adeeg la’aan, waxaase ay dhanka kale xoojinaysaa nidaamka xisaabtanka ee dekedda, taasoo markii hore mad-madaw badani ka soo horjeeday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...