Maamulka Majeerteniya Ayaa Ka Xumaaday Heshiiskii Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo
Ciidamada maamul goboleedka Puntland ee dalka Somalia ayaa ku soo ruqaansaday magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.
Sida aanu wararka ku helayno maamulka goboleedka Puntland ayaa ciidamo Maleeshiyaad u badan soo dhoobay duleedka magaalada Buhoodle, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen inay halkaasi illaa shalay ka taagnayd sansaan colaadeed oo xoogan, taasoo ay sababeen ciidamada iyi hubka maleeshiyaadka maamulka Majeerteeniya oo aad ugu soo dhawaanaya magaalada.
Qof ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa wargayska Somalilandtoday u xaqiijiyey in sansaankaasi si wayn looga dareemayay Buuhoodle dhexdeeda isla markaana ay dadku aad u hadal hayeen dhaq-dhaqaaqa ciidan ee gobolka ka socda.Maleeshiyaadka ay Puntland soo dhoobtay Buuhoodle ayaa la sheegayaa inay aad u hubaysan yihiin, waxaanay doonayaan inay xoog kula wareegaan guud ahaan magaalada.
Geesta kale ciidamada qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa si wayn heegan loo geliyey, isla markaana loo diyaar gareeyey inay hor istaagaan isku day kasta oo ka dhan ah maamul goboleedka Puntland.
Inkastoo aanu la xidhiidhnay saraakiil ku sugan jiidda hhore, hadana waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan diyaar garawga ciidamada qaranka, hase yeeshee waxay xaqiijiyeen inay inay ciidamada qaranku diyaar u yihiin inay sugaan xuduudaha jamhuuriyadda Somaliland.
Dhaq-dhaqaaqa ciidan ee maamulka Majeerteeniya ayaa imanay kadib markii ay kooxda Khaatumo iyo dawladda Somaliland ay wada saxeexdeen heshiis rasmi ah oo ka soo baxay wadahadaladii muddooyinkii u dambeeyey uga socday dalalka jarka ah.