Ruushka Oo Hanjabaad Culus U Direy Duulimaadyada Maraykanka Ee Hawada Suuriya

Date:

Ruushka ayaa hanjabaad culus u direy Maraykanka, kadib markii maalintiiAxadda Maraykanku soo rideen diyarad ay iska lahaayeen ciidanka Bahsar al-Asad ee dowladda Suuriya.

Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa soo ridida diyaraadda Ciidanka Siiriya ee hoostaga Bashar Asad ku tilmaamey xadgudub jebinaya sharciga caalamiga ah.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushanka ayaa ku dhawaaqdey in la joojiyey oo la hakiyey dhamaan wada shaqeyntii macluumaadka ee hawada Siiriya ee ka dhaxaysey Xulafada Maraykanka iyo Ruushka, Waxaana warka lagu sheegay in dhamaan diyaaradaha soo gala xayndaabkooda (Zone) ay yihin kuwo cadow ah oo ay bartilmaameedsanayaan.

Diyaaradaha Ruushanka ayaa inta badan isticmaala Galbeedka webiga Eufrat ayaa lagu sheegay warka Ruushka in diyaarad kasta oo khadkaas soo gashaa ay bartilmaameed u noqon doonto, waxaana Ruushku khad ka dhigteen Galbeedka Eufrat.

Maraykanku weli kama hadlin hanjabaada ka soo baxdey Ruushka. Khubaro badan ayaa horey uga digey in dagaalka Siiriya uu saameyn karo in uu dhaliyo dagaal ay wada galaan quwado kale oo dano kala duwan ka leh Siiriya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...