Xukuumadda waddanka Itoobiya ayaa markii ugu horraysay si cad uga hadashay xaaladda saamiga la sheegay in ay ku leedahay Mashruuca ballaadhinta Dekedda Berbera ee ay ku hawlan tahay shirkadda DP-World iyada oo sheegtay in ay ka go’an tahay in ay qayb ka noqoto mashruucaasi lagu maal gelinayo Dekedda Berbera sidoo kalena ay iyadu noqon doonto ka ugu isticmaal badan Dekedda Berbera maadaama shacabka waddankaasi tirokoobyadii ugu dambeeyey caddaynayaan in ay kor u dhaafeen boqol Malyuun oo qof.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide oo ku sugnaa waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa warbaahinta u sheegay in ay Itoobiya ka go’an tahay in ay qayb ka ahaadaan maalgashiga Dekedda Berbera balse sheerka ama saamiga la sheegayaa aanu wali ahayn mid dhammaaday oo ay wada hadalo ka furan yinhiin sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Axmed Shide oo Warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha eek u sugan waddanka Jabuuti wax ka waydiisay arrinkaasi ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlayay waxa uu yidhi: “Dekedda Berbera arrinka ku saabsan ee khusaysa wali wada hadaladii ayaa socda. Dawladda Itoobiya mawqif ahaan waxa ka go’an in ay maal gashato dekedda Berbera. Waanan taageersanahay in aan maal gashano. Aniga ayaaba qaabilsan arrimahaasi. Wada hadalao ayaa arrinkaasi nooga socda. Maalgelinta Dekedda Berbera waannu dhiirri gelinaynaa waanan soo dhawaynaynaa ee ay waddo hay’adda DP-World iyo dawladda Somaliland annaguna qayb baan ka nahay. Dekeddana annaga ayaa aad u adeegsan doona. Dhaqaalaha Itoobiya wax weyn baa kaga xidhan dekeddaasi waxaanan u adeegsan doonaa sida ugu weyn. Adeeg kaliya maahee waxaannu doonaynaa in aannu qayb ka noqono maal-galinta Dekedda lagu samaynayo. Si aannu hawlgalka iyo adeegyada maamulka Dekedduna u fiicnaado muhiimad shaqo oo wanaagsana uu u lahaado dawladda Itoobiya laakiin dhammays tirka sheerka Dekeddu waa wax la sii wado weeyi”. Ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka ee dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide.
Dhawaan ayay ahayd markii la shaaciyey in sheer ama saami boqolkiiba sagaal iyo toban ah ay dawladda toobiya ku yeelan doonto dekedda Berbera ee dib u balaadhinta lagu samayn doono taasi oo u muuqata mid xaqiiqo ah maadaama wasiirku si cad u sheegay in aanay kaliya Itoobiya doonayn in ay adeegsato dekedda balse ay doonayso in ay maalgashatona.