War-murtiyeed amma ‘Political Statement’ waa go’aan xisbi oo ujeedadiisu tahay kaabis iyo wax ka beddel siyaasi ah; ku talo-galkuna yahay in lagu saameeyo go’aan siyaasadeed oo cid kale qaadatay (dawlad amma xisbi) amma la qaadan doono. Nasiib-darro-se war-murtiyeedka uu xisbiga Waddani shalay soosaaray oo ahaa mid nuxur ahaan aad u gaaban waxa ka muuqda karti-darro, ogaal yari, yulqan iyo is-burin aan loo aabo yeelin.
War-murtiyeedka Waddani oo ka kooban afar cutub oo aad u gaagaaban, bal ila fiiri inta mawduuc ee isku lidka ah ee ku jirta iyo inta mawduuc ee kala duwan ee mid waliba mudnaa in gaarkiisa loo ga hadlo ayaan-darradu se gadhka isku galisay:-
1.Cutubka hore waxa uu ka hadlayaa in la wanaajiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee aynnu la wadaagno dalalka jaarka, Jaamacadda Carabta, dalalka Islaamka iyo adduunka intiisa kale. Ma xumo oo waa war wanaagsan, laakiin halkaa ma ka sii socday oo ma galay sidii loo wanaajin lahaa, ahmiyadda ay leedahay in la wanaajiyo iyo dalalka gaarka ah ee mihimka ah in aad loo sii wanaajiyo?
Maya! warkaa meel kale ayuu xisbigu uga gudbay. War-murtiyeedkiina waa uu doc faruuray. War-murtiyeedkii ahaa in xidhiidhka dalalka jaarka, Jaamacadda Carabta, dunida Islaamka ah iyo guud ahaan caalamka la wanaajiyo dhan kale ayuu haddana ka fad-kudiyey! Bal eeg cutubka labaad iyo xagashan 390 ka wareegtay!
2. Cutubka labaad waxa uu war-murtiyeedku ka hadlay xaaladda cakiran ee dalalka khaliijka! Xaaladdan cakiran oo ah ta adduunka maanta loo gu hadal haynta badan yahay haddii uu xisbigu rabo in uu ka hadlo ma ahayn in uu ammuur kale dhexda u dhigo. Waxa se ay ahayd in uu iyada u khaas yeelo sida dawladdaha iyo urur-siyaasaddeedyada caalamku ay u keli yeeleen ka hadalkeeda. Sidaa ma yeelin se ku darso oo Waddani isaga oo sii faahfaahinaya waxa uu yidhi:-
Somaliland waxa ay dalalka Imaaraadka iyo Sucuudiga la leedahay xidhiidh ganacsi. Waa runtii oo xidhiidh ganacsi ayeynu labada dal la leenahay, waxa se uu ku daray in dalalka kale ee Carabta ahna isla xidhiidhkaa ganacsi mid la mid ah Somaliland ay la leedahay; ma se xusin ka uu yahay. Waxa se uu qoraalku laga dheehan karaa in maadaamo oo uu khilaaf cakiran ka hadlayo cutubkani uu ujeedo dalka Qatar oo Sucuudiga iyo Imaraadka ay is hayaan!
Iswaydiintu waa; Qatar iyo Somaliland ma xidhiidh ganacsi ayaa ka dhexeeya? Mooyi ee ammuurtaa Waddani ayaa la waydiin! Dhanka kale waxa uu Waddani ugu baaqay dawladdaha khaliijka in aaney colaaddu xal u ahayn. Halkaa xisbiga iyo go’aanka xukuumaddu si weyn ayey iskugu khilaafayaan. Waana in Waddani go’aankii dawladda ee la saftay Sucuudiga iyo Imaaraadka uu ka hor yimi la na mid yahay go’aanka dhexda ah ee dalal Soomaaliya ay ka mid tahay hore u qaateen! Waa se yaab e, bal cutubka saddexaadna ee cakiska kan ku ahna ila eeg!
3. Cutubka saddexaad war-murtiyeedka Waddani waxa uu ku sheegay in uu xukuumadda iyo Madaxweynuhu u xil-saaran yihiin go’aanka masiiriga ah ee ammuuraha noocan ah; umaddana iyagu masuul ka yihiin!. Ha se yeeshee cutubkii hore waa uu kaga soo horjeeday! Waxa muuqata in labada cutub ee isku hoos qorani ay aad isku khilaafayaan oo yulqan badani ka muuqdo!
Intaa kuma uu san joogin Waddani! Ammuur kale iyo dalka Ethiopia ayuu haddana isku qaaday oo waliba dawlad deegaanka Soomaalida iyo Faysal Cali Waraabe uu kula kala saftay. Bal ila eeg cutubka afraad:-
4. Cutubka afraad war-murtiyeedku waxa uu ku baaqay in deelqaafka laga daayo dawlad deegaanka Soomaalida! Hadalkan oo u dhacaya in uu daba socdo lidna ku yahay weedhihii Guddoomiyaha UCID dhawaan ku ganay Kililka Shanaad. Waxa kale oo war-murtiyeedku tilmaamay in wixii madmadow ah lagu dhammeeyo wadahadal taas oo ka dhigan in wakhtigan Itoobiya iyo Somaliland aaney heshiis ahayn!
Marka ay arrini sida tan tahay, maxaa la odhan karaa war-murtiyeedka noocan ah ee ujeedo badanka ah. War-murtiyeed macnihiisu waa in uu hal ujeedo keliya leeyahay oo hal mawduuc siyaasaddeed ku saabsan yahay. Waxa se muuqata in war-murtiyeedkan Waddani qallaafo iyo wadgo badna leeyahay.
Xisbiyada qaran ee siyaasaddu waa hagayaashii qarankan u horseedi lahaa jid iyo himilooyin lagu badbaado, ma se aha kuwii tahli kari waayi lahaa qoraal saxan oo taabo gal ah. Waayo qoraalka Waddani iyo kuwa la midka ahi waxa akhrisanaya dhammaan cidda uu ku socdo ee uu ka hadlayo. In uu sida tan u yulqamo oo uu mawaadiic kala duwan ka war bixiyo, is khilaafo oo lagu margado waxa ay ceeb ku tahay diblomaasiyadda iyo dawladnimada. Soon Wanaagsan.
Mohamed Hagi Mohamoud