Deg Deg: “Maaweelo Ma Bougsiiso Meel Ku Bugta” Cali Guray Muxu Ka Yidhi Heshiiska Khaatumo

Date:

Mujaahid Cali Guray oo maqaal Yaro Koban Ka Qoray Saaxibkii Cali Khaliif Iyo Kooxda Khaatumo Heshiiskay La Gashay Somaliland Waxanu Yidhi Sada Tan

MAAWEELO MA BOGSIISO MEEL KU BUGTA
Cali Khaliif si gaar ah ayaan u hambalyaynayaa waayo Isaaq cid runta u sheegta oo aan u habranin waa loo baahnaa. Hadalkiisana laaxin laga jari maayo waayo haduu yidhi talo idinka keligiin idinka go’aan oo iska wadataan kuma heshiin karno ee hadii wax aynu wada leenahay ka wada tashanayno taladeedana in aynu ka wada hadlona ogoshihiin anagana noogu dhan meel aan ka diido iyo wax aan ku diido midna ma garanayo. Midda kale waar ninka ragga ah ee hadalkiisu cad yahay waxaa ku heshiin kartaan iyo waxa ku kala tegi kartaan labadaba waad garan kartaa. Laakiin hadii milil korkii uun la dhayo oo faq iyo dhuxdhux iyo afgobaadsi la isku maaweeliyo “maaweelo ma bogsiiso meel ku bugtoo ma bi’iso madadaalo murugada”. Markaa anigu hadalka Cali Khaliif baytul qasiidkiisa waxan u fahmay ” waar Somaliland mid ah oo taladeeda loo siman yahay iyo dawladnimo la wada leeyahay een la kala lahayn hadii diyaar loo yahay waanu ogolahay ee aan ka wada hadalo”. Isaaqna dawlad wada ilmaadeer ah ayuu raali ku yahay ee labadaa sida la isu waafajinayo uun ha laga tashado. Hadiise marka runta loo sheego ay xabaalaha soo faqaya yaan oo waa lana xasuuqay caadifaydda dadka lagu kicinayo dee la isugu iman maayo. Intii dhimatay AHN eh waxa hiil u ah dal iyo dawladnimo ka door roon tii xasuuqday sinaan iyo cadaalad ku dhisan si wixii shalay dhacay aanu mar kale u dhicin

Wa bilaahi Tawfiiq

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...