Waxaan Ka Mid Ahaa Macaamiishii Pizza House!!! Balse Waa Maxay Qiiqo

Date:

Dhismaha la weeraray ee Pizza House waxaa aas-aasay dhallinyaro Soomaaliyeed oo xooggooda iyo hantidooda isu geeyey, hal abuur cusub iyo deegaan nasiino oo aan dalka horey uga jirin bulshada Soomaaliyeedna u riyaaqday ayey Muqdisho ka hirgeliyeen.

Waxay awoodi kareen inay shaqsi shaqsi u shaqeysteen oo aysan isku mashquulin curinta hal abuur waxtar u leh bulshada, waxay awoodi kareen inay dalka isaga tagaan oo aysan dhibaatada la qeybsan shacabkooda laakiin duruufaha nololeed iyo midda ammaan ee dalka iyagoo og oo aysan ka qarsaneyn ayey haddana u bareereen inay la yimaadaan arrin dalka iyo dadka u dan ah iyagoon ku dhex milmin arrimo kale sida siyaasad iyo wax la mid ah balse soo bandhigay oo keliya wax la xiriira adeeg bulsho.

Dhallinyaradaas la yimid hal abuurka wanaagsan oo haddana ka dhabeeyey kana shaqeysiiyey wax gacan ah kama aysan helin meel kale oo aan ka ahayn inay iyagu ku dhiseen Pizza House hantidooda oo la isu geeyey.

Pizza House bilicda iyo jawiga macaan ee ka dhex jira darteed waxay ku kasbatay muddo yar gudaheed inay hesho kumannaan dad ah oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasoo marna ku shaaha gudaha dhismaha indha qabadka leh ee Pizza House marna ku galaya sawirro xasuus ah qaarkoodna ku qabsada xaflado.

Waxaa iyana jirta in dadka ka nasanaya shaqooyinka usbuuca ay halkaas isugu imaan jireen si ay uga nastaan culeyskii iyo daalkii shaqo ee usbuuca iyagoo ku sheekeysta halkaasna ku wadaaga figrado iyo arrimo u gaar ah oo shaqadu ka mashquulisay.

Waxaan ka mid ahaa macaamiisha Pizza House tan iyo aas-aaskeedii waxyaabaha aan ku xusuusto dhismahaas ganacsi waxaa ka mid ah inaysan ahayn meel lagu caweeyo, shiishad lagu cabo, muusig lagu tumo iyo arrimo kale oo loo sababeeyo meelaha la weeraro.

Dhallinyaradaas reer Pizza waxay ka mid yihiin dadka yar ee ku dhiiraday inay dalka si iskood ah u maalgeliyaan kana sameeyaan meelo lagu nasto oo la mid ah kuwa caalamka amaba ka fiican haddaba maanta waxaa nalooga baahan yahay dhiirigelin si aysan nooga niyad jabin oo ay mar kale u soo nooleeyeen Pizza House.

Maalintii aad calool gashay ayaa Allah qoray heerarka ay noloshaadu mari doonto oo geeriduna ka mid tahay laakiin ogow waxaad dhimatay oo aadan meyd meel yaal waxba dhaamin markii aad niyad jabto oo aad aaminto in dalkaan aan waxba lagu dhex qabsan Karin.

Aan dareensiinno inaan dhinac taaganahay dhallinyarada Pizza House una sheegno inay weli leeyihiin maskaxdii iyo hal-abuurkii oo aysan niyad jabin annaguna aan ku garab taaganahay dib u soo nooleynta deegaankeenii nasiino oo illaa hadda lala yaabban yahay sababta loo beegsaday

Xigasho Cumar Seriye

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...