Muddo Ka Badan 38 Sanadood Ayaanu Jidhkiisa Biyo Marin Gadhka Iyo Timahana Iska Xiirin Illaa Uu Wiil Ka Dhalayo!!

Date:

Nin u dhashay wadanka Hindiya oo haysta Diinta Hinduuga da’diisuna tahay 66-jir ayaa lagu soo warinayaa in aanu maalintii uu guursaday illaa maanta gadhka iyo timaha toona iska xiirin isla markaana aanu jidhkiisa biyo marin illaa iyo inta lagu arsaaqayo Ilmo wiil ah oo uu dhalo. Ninkan oo lagu magacaabo Kilash Singh ayaa go’aankan qaatay sannadkii 1974-kii kadib markii uu arrintaasi kula taliyay nin Sheekh ku ah Diinta Hinduuga kadib markii uu ninkani sheegay in uu dhalay dhawr hablood balse aanu dhalin wax Wiil ah sidaa darteed uu doonayo in uu u duceeyo.

Ninkii Hinduuga ahaa ayaa ninkan kula taliyay in aanu biyo ku maydhan gadhka iyo timahana iska xiirin illaa inta uu ka helayo Ilmo wiil ah oo hablihiisa ku soo biira. Kilash Singh oo ka soo jeeda qoys danyar ah oo xoolo dhaqato iyo beeralay isugu jira ayay u dhaxday haweenay da’deedu tahay 60-jir illaa maantana kama ay quusan in ay isu dhalaan waxa ay mudada badan ku riyoonayeen oo ah in ay dhalaan Ilmo yar oo Wiil ah. Labadan lammaane ayaa isu leh ilaa 7 hablood waxaanay wali ka quusan in ay dhalaan waxa ay ku hammiyayaan ee Culimada diintoodu ugu ducaysay. Inkasta oo kooxaha caafimaadka ee deegaankaasi ka hawl galaa ku boorriyaan in uu caadadiisa badalo, Jidhka maydho, timahana iska xiiro, hadana wali Kilash Singh mar walba dalabkaasi waa uu ku gacan saydhaa waxaanu ku taagan yahay jidka uu jeexday ee uu himiladiisa ku doonayo in uu ku xaqiijiyo. Caqiido xumadan ayaa wax yar ka ah aaminsanaanta la yaabka leh ee dadka qaarkii lagu arko wadanka Hindiya oo ay ku noolyihiin dadka adduunka diimaha kala duwan leh kuwooda ugu badani. Waxyaabaha la yaabka leh ee arrintan ku lammaan ayaa ah in si kasta oo cadceedda kulul ee deegaanka ninkani ku noolyahay ka dhacdaa jidhkiisa u gubto hadana in aanu lahayn dhidid iyo ur xun toona. Mar arrintaasi wax laga waydiiyayna waxa uu ku sababeeyey aaminsanaanta uu aaminsan yahay waxa uu doonayo in uu heli doono. Wajigiisa iyo labada gacmood ee uu wax ku Cuno kaliya ayuu maydhaa jidhkiisa inta kalena biyo muu marin mudada intaasi le’eg. Kilash Singh waxa uu yeeshay Gadh, Shaarubo iyo Timo is gaadhay oo wasakh iyo boodh ku lammaan yihiin kuwaasi oo inta dhererkoodu xad noqday uu sida dharka is daba jiidayo isaga oo duuduuba marka uu socod maago.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...