Gudoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga Waddani, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa si kulul uga hadlay dacaayado riqiis ah (fake news) oo maalmihii u dambeeyey ay caadaysteen saxaafada Madaxtooyadu ayaa ugu baaqay in aan cod lagu doonin warar been abuur ah.
Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde oo ka hadlay shir jaraa’id oo maanta uu ku qabtay xarunta xisbiga Waddani ayaa ugu horayn ka jawaabaya hadalo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee hoosta ologa kala ah Kulmiye ay ku wiiqayaan xidhiidhka wanaagsan ee Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhexeeya ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ku nuuxnuuxsanayaa cid kale oo arintaa xidhiidhka Somaliland Iyo dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia u xil saaran oon xukuumada Somaliland ahayn ma jirto.
Ashkhaasta ka hadashayna inay faragaliso xidhiidhkaa aanu dawlad-deegaanka Itoobiya leenahay maaha, waxaynu leenahay safaarado oo aynu is-dhaafsanay, waxaynu leenahay Wasaaradihii Arrimaha Dibada oo wada xidhiidha, waxa wada-xidhiidha Wasaaradihii arimaha guddaha, waxa wadda xidhiidha hay’adihii nabadgalyada oo haday ciidanka tahay iyo haday hay’adihii nabadgalyadaba tahayba iyo haday sirdoonka tabayba intaasiba way wada xidhiidhaan, markaa xidhiidhadaa channels-ka rasmiga ah ayaa wixii mad-madow ah ee isku socodka iyo xuduudka ka yimaada ka masuul ah inay ka wadahadlaan ee ashkhaas meelahaa ka hadashay ama cod ku doonatay ama cod ku raadinaysaa inay faragaliso maaha.” Ayuu yidhi Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde, waxaanu intaasi ku daray mar uu ka hadlayay dacaayado riqiis ah oo xukuumada Kulmiye ay caadaysatay inay xisbiga Waddani ku xoqdo Soomaaliweyn ayaa waxa uu yidhi “Waxa kale oo ayaamahan soo cusbnoonaanaya arin la xaliyey oo ahayd in xisbiga Waddani lagu xuqo Soomaaliweyn, arintaana waad ogaydeen arintii (Fake News) ee la sameeyey ee la yidhi Madaxda xisbiga Waddani waxay la kulantay Raysal Wasaarihii hore ee Somalia.
Waxaad moodaa maanta tii laga heshiiyey ee la yidhi yaan la soo qaadin ee raaligalintana laga bixiyey in maanta warbaahinta xukuumadu ay adeegsataa ay dib usoo cusboonaysiinayaan oo ay xoqayaan, hadii heshiiskaasi jabo oo ay ka waantoobi waayaan dee doqon waliba waxay xoqdo way haysaa.
Anagoo u tudhayna dadkayga, qarankan iyo degenaanshaha, waxaanu ku boorinaynaa xukuumada Axmed Maxamed Siilaanyo uu gadhwadeenka ka yahay iyo Saxaafada Ay Adeegsataaba in arintaa laga bogsaday aanay soo cusboonaysiin ee fake news-kaa beenta ah aan cod lagu doonan.
Xisbigan Waddani cid uga lexejeclo badan Somaliland ma jirto, Waxaananu rajaynaynaa in kuwa xukunka yimaada aanu noqono, Anagoo Kursigii u sareeyey usoo socona in aanu cid u dhukusnaa (Somalia) meesha kumaba jirtaba, cida dhukusaysaa waa cida aan isku kalsoonayn ee doonaysa inay xukunka ku sii joogto sifo aan sharciga ahayn ama sifo aan sharci ahayn inay ku timaado xukunka, markaa waxa aanu ka digaynaa in laga waantoobo oo laga daayo dacaayadaa riqiiska ah ee hore loogu fashilmay ee aad ogtihiin Photoshop-kii la isku geegeeyey ee soo baxday siday ku timid, hadii laga waantoobi waayana wixii nalaga gudboon ayaanu yeelaynaa, dadkii dhexdhexaadinta sameeyeyna waxaanu u sheegaynaa in ay arintaa dib ugu soo noqdaan oo ay yidhaahdaan waar waxaa cod laguma doontee waxa cod lagu helaa barnaamij iyo waxqabad ayaa lagu helaaye ka waantooba”.