Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay wehelinayaan Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali ayaa saaka subaxnimadii hore ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee cigaal International Aiprort Hargeysa. Weftigaas oo u duulay Imaaraadka Carabta ayaa safar gaara oo maalmo ah halkaasi ku jooji doona.
Ujeedada safarka madaxwaynaha ayaa xogo kasoo baxayaa waxay sheegayaan inuu daaran in madaxwayne Siilaanyo uu lasoo kulmi doono madaxda dalka Imaaraadka Carabta isla markaana ay kala soo hadli doonaan arrimo badan oo ay kamid tahay taageeradii ay Somaliland u muujisay xulufada ay hogaaminayaan dalalka sucuudiga iyo Imaaraaddka Carabtu ee xidhiidhka u jaray dalka Qadar.
Sidoo kale xogo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in la filayo in madaxwayne Siilaanyo safarka Imaaraadka usii dhaafo Dalka Sucuudiga.
Gabagabadiina dhawaan ayay ahayd kadib markii ay xukuumadda Somaliland taageertay xulufada ay hogaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadku isla markaana ay Somaliland ay xidhiidhka u jartay dalka Qadar,ilaa hadda lama garanayo natiijada kasoo baxi doonta kulamadaasi uu madaxwayne Siilaanyo la filayo inuu la qaato madaxda Imaaraadka.