Somaliland: Safiir Baashe Cawil oo ka hadlay ujeedada socdaalka Madaxweyne Siilaanyo & Baadhitaano Hay’adaha amaanku ku wadaan Wiilkii Reer S/land ee Imaaraatku soo mastaafuriyey

Date:

Safiir Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL socdaal gaar ah ku tegi doono dalka Imaaradaha Carabta, qaadan doona muddo toban maalmood. Wareysi shabakada SomalilandSpan.com wax kaga weydiisay Amb Baashe Cawil Cumar, isagoo ku sugan magaalada Dubai,sababta keentay in dalka Imaaraadka laga soo mustaafuriyo nin lagu magaacaabi Ismaaciil Cumar Madar, oo Somaliland u dhashay ayaa sheegay in ninkaasi  maanta ciidamada Amaanka Somaliland ku qabteen isagoo ka dhoofaya madaarka Cigaal una socda dalka Qatar.

Safiir  Baashe Cawil oo ka jawaabayey ayaa yidhi, “Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta ma ogeyn, xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah.

Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii helay la siiyey.

Mar la weydiiyey, hadii aan laga soo mustaafurin Dubai, maxaa keenay inuu sidaa warbaahinta ka sheego, ayuu ku jawaabay,

“Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta, nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.

Markaa sababta ciidamada Amaanku u qabteen maxaa loo fasiran karaa, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay, “Ciidamada Amaanku  xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan,markuu u dhamaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...