Muslimiin Ku Afuray Oo Ku Tukaday Beer Dadka Masiixiyiinta Ah Aad U Qadariyaan !

Date:

Dawladda hoose ee magaalada Granada ee Dalkaasi Spain ayaa markii ugu horreysay Dadka Muslimiinta ah ee ku nool magaaladaasi ugu hambalyeeyay bisha barakaysan ee Ramadaan. Dadka muslimiinta ah ee ku nool magaaladaasi ayaa waxay isugu soo baxeen Afur waddareed ay ku qabsadeen Beer aad u weyn oo ku taala goob ay dadka masiixiyiinta ahi ay aad u qadariayaan isla markaana ay ku taalo Taallo ay u sameeyeen siday Aaminsanyihiin Maryam Bintu Cimraan.Dhacdada noocan oo kale ah ayaa noqotay tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah waxaanay dadka ku nool dalkaasi arrintaa ku qaada dhigeen baraha bulshada, iyada oo Dadka kale ee aan ahayn Islaamka ay ku tilmaameen inay Dadka Muslimiinta ahi goobtaa ay aadka u qadariyaan aanay habboonayn inay ku qabsadaan afurkooda amase ay ku tukadaan, si kastaba ha ahaate madaxda Dawladda hoose ee magalaadaasi ayaa si aad u heer saraysa usoo dhaweeyay Dadka Muslimiinta ugana mahadnaqey sida wanaagsan ee ay mashaacirtooda diiniga ah u gudanayeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...