Somaliland: Komishanka Qaranka Oo Imika Iskugu Yeedhay Saddexda Xisbi Qaran

Date:

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland waxa uu maanta la kulmay Hogaamiyayaasha Xisbiyada Qaranka oo ay ka wada hadleen arimaha kaadh qaybinta ka socota wadanka, casharadii laga bartay wajigii kobaad ee kaadh qaybinta ( Awdal, Saaxil iyo Goobaha Xeebaha Sanaag), diyaar garowga labada gobol ee hada bilaabmaaya ( Togdheer & Mardojeex) iyo diyaar garowga guud ee doorashada madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland.

KDQ wuxu xisbiyada Qaranka uga warbixiyey qandaraasyadii keenista qalabka doorashada oo dhawaan la baahiyey , Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo wakhtiyada loo bahan yahay in shaqooyinka la xidhiidha doorashada la soo dhamaystiro, ku dhawaaqistii wakhtiga doorashada iyo dhaqaalaha doorashada madaxtooyada.

Sida oo kale KDQ iyo Saddexda Xisbi Qaran waxay isla qateen habka ay magacyada iyo astaamaha xisbiyadu ugu kala horaynayaan warqada codbixinta iyo qoraalada kale ee doorashada Madaxyooyada 2017 oo u dhacday hab daah furan oo qorituur ah.

Kulankan ayaa jawi is afgarad ah ku soo dhamaaday, waxaana uu kulankani qayb ka ahaa kulamada KDQ iyo Xisbiyada Qaranku isku waraystaan kolba halka ay marayso shaqadu.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...