Wasiir Xaashi ayaa balan qaaday inay ka faa’iiday doonaan daraasahadaasi ardaydu u gudbiyeen waxaanu yidhi “ Waxaannu idiin balan qaadaynaa waxaa aad maskaxdiina ka tuujiseen in aanay noqon hal bacaad lagu lisay iyo warqado wax lagu qoray, ee ay noqdaan wax laga faa’iidaysto, ujeedada aanu idiinku yeedhnayna ma ahayn madadaalo, maaweelo iyo isbarasho kaliya, is dhexgalka iyo isbarashada jaamacado ahaan waa ka qayb laakiin waxa ka waynaa in aqoon la idinka helo, qarankan sidii maalintii hore aan warbixinta ku daray duruufo badan oo xoog badan ayaa hareereeyey oo aannu habeen iyo maalinba xalino, aduun faro-badan ayaanu ku bixinaa xalintooda, oo aynu ku bixin kari lahayn hal-abuur iyo cilmi-baadhis, markaa inaa nala wadaagtaan, aqoontii jaamacadaha iyo talooyin ayaa nuxurku ahaa, waanu ka sii kordhin doonaa, Xukuumadda cusub ee timaadana waanu ku sii dhiiri-galin doonaa, waanna kula talin doonaa in tubtaa la kordhiyo, sunahaana la joogteeyo”