Maxkamad Mar Kale Ku Diiday Xayiraaddii Socdaalka Ee Donald Trump

Date:

Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa markale ku guul dareysatay dadaalo ay ku dooneysay xayiraad ay kusoo rogto muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah inay soo galaan wadanka Mareykanka muddo sagaashan cisho ah.

Maxkamad racfaan oo ku taala gobolka San Francisco ee dalka Mareykanka ayaa ayidday go’aan ay maxkamad horay u gaartay oo ahaa inaan wax xayiraad ah aan la saarin muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah, balse maxkamadu waxaa kale oo ay sheegtay in dowlada Mareykanka loo ogolaaday inay dib u eegis ku sameyso hanaanka turxaan bixinta ee dadka soo galaya Mareykanka.

Waxaa lagu wadaa in kiiskani uu ku dambeyn doono maxkamadda sare ee dalka Mareykanka.

Xeer ilaa liyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa sheegay in uusan taageersanayn go’aanka maxkamadda, “weerarradii dhawaan ka dhacay dalka Maraykankana ay xaqiijinayaan in halistu ay tahay mid degdeg ah oo dhab ah”.

Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionDibadbaxyo ka dhan ah go’aankii madaxweyne Trump

Madaxweyne Trump ayaa 6 Maarso soo saaray amar madaxweyne oo muddo 90 maalmood ah ka mamnuucaya muwaadiniinta Iiraan, Liibya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen inay soo galaan Mareykanka.

Arrintaasi ayaa dalka Mareykanka ka dhalisay dibadbaxyo lagu diidanyahay go’aanka madaxweyne Trump.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...