Somaliland: Komiishanka Qaranka Oo Cayimay Maalinta Loo Dareerayo Doorashada Madaxtooyada & Madaxweynaha Oo La Sugayo Inuu Digreeto Ku Ansixiyo

Date:

Doorashada Madaxtooyada waxa lagu beegay Maalinta u dambaysa Muddo-kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyay Madaxweynaha Iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Shalay ku dhawaaqay inay Madaxweynaha u gudbinayaan Xilliga ay u cayimeen in Doorashada Madaxtooyadu Dalka ka dhacdo.

Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Shalay ka hadlayey Munaasibad uu Lacagta Doorashada lagu qabanayo kagala wareegayey Xukuumadda, ayaa sheegay inay gudbinayaan Maalinta ay Doorashada dalka ka dhacays, taasi oo Macnaheedu yahay in Madaxweynuhuna uu Digreeto ku soo saaro oo uu ansixiyo.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta oo Sabti ah oo bishuna tahay 10 (Shalay) waxaanu Gudbinaynaa Warqaddii Cayimaadda Maalinta Doorashadu dhacayso, Maalintaasi oo ah 13-ka bisha November, 2017-ka, oo maalin Isniin ah ku beegan, maalintaas ayaa Doorashada loo dareeri doonaa haddii Alle yidhaahdo.”

13-ka bisha November, ee Sannadkan 2017-ka waa Maalinta ugu dambaysa ee ay ku eg-tahay Muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...