Somaliland: Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Boorama Gaadhay

Date:

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxana ujeeddadoodu tahay sidii ay ugu guurgeli lahaayeen xaaladda xanuunka shubanka oo magaalada iyo hareeraheeda ka dillaacay.

Guddoomiyaha iyo waftigiisa oo ka kooban saraakiil katirsan xisbiga KULMIYE, wasiirro tiro badan oo xukuumadda katirsan oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha madaxtooyada, maaliyadda, Waxbarashada,Caafimaadka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, xidhiidhka goleyaasha iyo xubno kale oo tiro badani, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay bahda caafimaadka gobolka iyo waxgarad kale, waxana ay warbixin ka dhegaysteen saraakiisha caafimaadka u qaabilsan gobolka oo faahfaahiyey xaaladda shubanka ee gobolku heerka ay gaadhsiisan tahay.

Guddoomiyaha iyo xubnaha waftiga ah ee wehelinaya, ayaa soo kormeeray jeelka weyn ee magaalada Boorama oo maxaabiista ku jirta uu xanuunka shubanku qaarkood haleelay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...