Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Awooda Ciidan Ee Loo Adeegsaday Shirka Golaha D/Saylac Iyo Shirka Balidhiig

Date:

“Waxay Xukumadani Ku Kacday, 10 Xildhibaan Oo Xasaanad Leh Inay Si Toos Ah U Xidho Iyadoo Waxay Ku Xidhaysaana Yahay Shirkii Ay Iyadu U Qabtay” Xoghayaha Xisbiga Waddani

“Shirka Balidhiig Waxaanu U Aragnaa Shirarka Ay Xukuumadu Qaarkood Qabanqaabiso, Furo, Soona Xidho Uun Inuu Ka Mid Yahay Oo Muwaadiniin Reer Somaliland Ahi Ay Leeyihiin, Sabab Rasaas Loola Dhacaana Ma Jirto” Xoghayaha Xisbiga Waddani

Xoghayaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa nasiibdaro ku tilmaamay xadhig ay xukuumadda kula kacday toban xildhibaan oo ka tirsan golaha Degaanka degmada Saylac oo todobaadkan ay shir ugu qabatay Magaalada Saylac.

Mr Uurcade waxa uu si adag u cambeereeyey xadhiga xildhibaanadaasi waxaanu tilmaamay in xildhibaanadaasi ay leeyihiin Xasaanad la mid ah ta uu Madaxweyne Siilaanyo leeyahay maadaama oo ay xildhibaanadaba ay soo doorteen shacabku.

Sidoo kale Xoghayaha xisbiga Waddani waxa uu cambaareeyey oo uu nasiibdaro ku tilmaamay in rasaas iyo awood ciidan loo adeegsado shirka qaar ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ay ku qabsanayeen magaalada Balidhiig.

Xoghayaha xisbiga Waddani waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa isaga oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Saylac waxa aynu la soconaa gole degaan ayay leedahay, ummadda ayaa saf u gashay oo soo dooratay, wixii aynu ku heshiinay ee ummaddeenu ay ku heshiisayna waxa uu ahaa in aynu golayaal deegaano doorano oo inoo maamula deegaamadeena balse Nasiib-darada dhacday waxa weeyi Wasaarada Arrimaha guduhu shirbay u qabatay iyadoo Badhasaabkii gudoominayo wixii talaabo ah ee ay qaadaysay way qaaday waa la badalay maayarkii hore maayar kale ayay keeneen.

Muhiimku maaha qofka la keenayo laakin waxa muhiimka ahi waxa weeyi si sharciya shirku ma u qabsoomay mise umuu qabsoomin. Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa shirka qabataye ma ummaday isku diraysay oo sharci daro ayay ku qabtay bal halkaa ummadda ha u cadayso Wasaarada Arrimaha Guduhu sababtay ay marna shirarka u qabanayso marna ay ummadda ku xidhxidhayso.

Waxa lagu xigsiiyey ilaa 10 xildhibaan oo xasaanad leh oo iyaga oo dambi faraha kula jira mooyaane cid awood u leh inay xidhaa aanay jirin haba yaraatee ama madaxweyne ha noqoto ama Wasiir ha noqdo ama ha ka hooseeyee cid awood u leh inay xildhibaanada xidhaan oo sharcigu u baneeyey ma jirto, waxan ay wadaan maaha wax shuruucda dalka waafaqsan, waa wax aan loo baahnayn oo dalkan iyo dadkana baabiinaya.

Waxay xukumadani ku kacday, toban xildhibaan oo xasaanad leh ay si toos ah u xidho iyadoo waxa ay ku xidhaysaa uu yahay shirkii ay iyadu u qabtay ee ay Saylac ugu dhex qabatay waa laba nasiibdaro oo aad u weyn, waxa weeyi sida aan anigu kolba doono ayaan yeelayaa.

Waxaan u sheegaynaa xukuumada maanta jirta, haday diidaan xildhibaanada la doortay iyaguna in aanay jirayn oo dalkan aanay ka noqonayn Madax, iyagay dantooda tahay inay raacaan wixii ummaddu dooratay si iyagana loo raaco, laakiin waxay kuwaa kaga duwan yihiin ma jiraan haday Madaxweyne tahay iyo haday Madaxweyne ku xigeen tahayba xildhibaankaa ayay la mid yihiin, waxaana fiican in la ixtiraamo wixii aynu ku heshiinay si aynu u noqono ummadd nidaam leh oo nidaamkeeda u hogaansan, balse hadii taa la diido xoolaha wax ma dhaamayno oo cidina cid xukumi mayso.

Anagu waxa aanu u ixtiraamaynaa oo aanu u leenahay Madaxweyne iyo Wasiir waxa weeyi wixii aynu dhiganay ayay ku soo baxeen oo si sharciya ah, iyaguna ha ixtiraamaan dadka la midka ah, iyaga oo horeba u xidhay xildhibaano Golaha Wakiilada ka tirsan oo runtii aanu aad iyo aad uga xunahay, waxaananu leenahay xukuumadu arintaasi degdeg ha uga noqoto arintaas oo degdeg ha u sii dayso xildhibaanadaasi, hana ixtiraamto rayigooda iyo cida ay u gartaan inay xilka degaanadooda u dhiibtaan.” Ayuu yidhi Xoghayaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Dhinaca kale waxa uu xoghayaha xisbiga Waddani Mudane Maxamed Cabdilaahi Uurcade uu ka hadlay shirka dhalinyaradu ay ku qabsanayaan degmada Balidhiig, waxaanu xoghayhu isagoo arintaasi ka hadlaya uu yidhi “Degmada Balidhiig dad muwaadiniin ah ayaa waxa ay ku baaqeen inay shirk u qabsanayaan, ciidanbaa la galiyey lagaga hor joogsaday, lagu dhaawacay, dhib badan loo geystay waxaan loo baahnayn oo dadkan iyo dalkani u baahnayna shalay ayaa laga sameeyey magaalada Balidhiig. Dadkani uma baahna ciidankooda iyo shicibkooda in la isku diro Somaliland uma baahna, umana baahnin illaahayna kama baryeyno, sabab shicibka iyo caruurtooda ay rasaas ugu furaana ciidamadoodu waa amar khaldan oo la bixiyey oo xukuumadu bixisay.

Waxaanu u aragnaa shirkaa Balidhiig shirarka ay xukuumadu qaarkood qabanqaabinaysay oo ay ka qaybgalaysay ee ay soo xidhaysay, ee ay furaysay ee ay abaabulkeeda lahayd uun inuu ka mid yahay oo muwaadiniin reer Somaliland ahi uun ay leeyihiin.

Uma aragno, mana ogin wax dhib ah oo shacabkaa rasaasta lagu furay ay wadeen shirarkana Somaliland waa u fasax, hadii shir uun ay tahay oo wax kale oo dhib ahi aanu jirin sababta rasaasta loola dhacaa maxay tahay, waxa aanu u aragnaa ka badbadin ay xukuumadu ka badbadinayso” ayuu yidhi Xoghayaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...