Somaliland: Ganacsatada Somaliland oo cabasho ka muujisay cashuuro ay DP-world ku kordhisay Adeega Dekedda Berbera

Date:

Urur ay ku bahoobeen ganacsatada Somaliland iyo shirkaddaha Hawlaha Maraakiibta ayaa Xukuumadda Somaliland u gudbiyey qoraal ay kaga cabanayaan kharashaad ay shirkadda DP-WORLD ku kordhisay adeegyadda ay fidiso, iyagoo sheegay in ay soo kordhiyeen culays ka badan kii hore ee laga qaadi jiray markii ay xukuumadda Somaliland maamulaysay.

Cabashada ganacsatada ayaa la xidhiidha lacago farabadan oo la dul saaray dajinta iyo dhigida alaabaha ganacsatadu la soo dagto iyo waliba gaadiidka, kuwaas oo ay sheegeen DP-world inaanay wax adeeg ah oo intii ay dekeddu lahayd kusoo kordhin.

Ganacsatada ayaa qoraalkooda ku sheegay DP-world xataa inaanay tixgalin wada shaqaynta Ganacsatada iyo Ururkooda, sida qoraalka lagu sheegay, kaasoo iftiiminaya in ay iska indho tirayso muhiimadda ay wadashaqayntu u leedahay Amniga iyo koboca dhaqaale ee dekedda.

Ganacsatada ayaa ugu baaqay madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu si dhakhso ah wax uga qabto talaabooyinka ay shirkadda DP-world ku maamulayso Dekedda Berbera oo ay sheegeen inay khatar ku noqon doonto sii shaqaynta Dekedda Berbera.

Bishii u danbaysay waxa isa soo tarayey cabashooyinkan soo shaac baxay ee ay ganacsatada Somaliland ku saluugsan tahay Maamulka Dekeda, halka dadweynaha Somaliland iyo dadka la socda Heshiiska DP-world iyo Somaliland ku dhaliilayaan in aan wali la samayn guddidii maamuli lahayd ee labada dhinac.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...