Deg Deg: Turkiga oo doonaya in uu la wareego Madaarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa

Date:

wefti ka socday shirkadda Duulimaadyadda Turkiga ayaa dib usoo cusboonaysiisyey damacooda ah in ay la wareegaan maamulka Madaarka Hargeysa, kaasoo hore ay isugu af garan waayeen xukuumadda Somaliland.

Weftiga Turkiga ah ayaa shalay la kulmay wasiirka wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, waxaanay wararka laga helayaa sheegayaan in ay is af-garad ka gaadheen, hase yeeshee madaxtooyadda Somaliland loo gudbin doono, taasoo xilligan u dhaw inay ansixiso.

Doonista madaarka hargeysa ee Turkiga ee wakhtigan ayaa u muuqda mid kusoo beegmaya khilaafka ka dhex aloosan dalalka Carabta oo u kala jabay laba garab oo waaweyn, kuwaas oo dhinac walbaaba u xusul duuban yahay in uu xulafo u helo mawqifkiisa.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore madaarka Berbera uga kiraysay dawladda Imaaaraatka oo ah imika xulafada ka soo horjeeda Turkiga iyo Qadar, waxaana muuqda in ay Somaliland labada dhinacba macaamil la yeelan doonto labada xulafaba haddii Heshiiska Turkigu socdo.

Turkiga ayaa Qunsuliyad ku leh Somaliland, hase yeeshee taageerada uu u fidiyo Somaliland waa mid kooban, inkasta oo aan la kala saarin illaa hada dhinaca dabacu ku jiro ee aan suurtogalin iskaashi intan ka badan inay labada dal yeeshaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...