War Deg Deg Ah: Arrin Ceeb Ah Oo Madaxweyne Farmaajo Sameeyey Maanta

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa uu garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay Safiirka cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya oo aan degenaansho ku yeelan doonin Muqdisho.

Safiiradan oo lagu magacaabo Sara Hradecky ayaa waxay Canada u qaabilsan tahay illaa shan dal oo ku yaala dalalka Bariga Afrika, sida Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Soomaaliya iyadoo xarunteeda tahay Kenya, halka wadamada kalena aanay degenaansho ku laheyn.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay inay sharaf u tahay in waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo ka guddoomo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Safiirada cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxay kaloo xarunta Xalane kula kulantay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating iyo madax kale.

Inkastoo Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda aysan midna faafin arrintan, hadana waxaa loo arkaa in dowladda Soomaaliya arrintan hoos u dhigtay, maadaama Safiirada degenaansho ku laheyn Soomaaliya, isla markaana halka warqadaha aqoonsiga looga guddoomay aanay aheyn Madaxtooyadii Qaranka.

Waa markii u horeysay ee Madaxweynaha uu Safiir la soo magacaabo waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomo gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaa horay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay ay waraaqaha aqoonsiga ay Safiirada kaga guddoomi jireen Madaxtooyada, taasoo ah nidaam qeyb ka ah shuruucda diblomaasiyadda Caalamiga ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...