Deg Deg: Xog Culus La-taliyaha Gaarka Ah Ee Madaxweyne SIILAANYO Oo Sheegay Arrimo Badan Isaga Oo Ku Sugan Djibouti,,,

Date:

Madaxweynaha Jabuuti Oo 15-ka iyo 18-ka Bishan June Xadhigga ka jaraya Laba Dekedood oo Cusub, kuwaasi oo midkood gaar u tahay Dhoofinta Milixda + Dhaqaalaha ku baxay dhismahooda

Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti wax cuqdad ah ka qabin Horumar Somaliland ka gaadho dhinaca Dekedaha, ka dib Safar uu Magaalada Jabuuti ku tagay La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, imikana ah La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo Safar ku jooga Dalka Jabuuti, ayaa kormeer ku soo maray illaa Afar Dekedood oo ku yaalla Magaalada Jabuuti, kuwaasi oo laba ka mid ah oo uu 15-ka iyo 18-ka bishan June xadhigga ka jarayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana waxa ay Dekedaha cusub laga dhoofinayo ama ka soo degaya uga warramay Maareeyaha Dekedaha Jabuuti iyo Goobaha Cashuuraha ka caaggan Abubakar Xaddi.

Abubakar Xaddi, oo ka hadlaya Dekedaha cusub ee Jabuuti laga hirgeliyey isla-markaana dhawaan xadhigga laga jarayo ayaa yidhi “Dekedda Tajoora wuxuu Madaxweynuhu furayaa 15-ka bisha (June), Dekeddaasi waa Dekedda leh khan ay Maraakiibta lagaga shubo waxyaabaha aan bushqadeysnayn, sida Sareenka, Dhaxaxaanta, Dhuxusha iyo Macdanaha oo dhan (la dhoofinayo). Dekedda kale ee Gobeed-na wuxuu Madaxweynuhu furi doonaa 18-ka bishan, Dekeddaasina waxa laga dhoofinayaa Milixda oo Jabuuti ka soo baxda.”

Maareeyaha Guud ee Dekedaha Jabuuti oo la waydiiyey Dhaqaalaha ku baxay dhismaha labadan Dekedood ee cusub, ayaa ku jawaabay “Dekedda Tajoora waxa ku baxay 90 Milyan oo Dollar, Dekedda Gobeed-na waxa ku baxday 80 Milyan.”

Intaasi ka dib, waxa halkaasi ka hadlay La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Warran-cadde, waxaanu yidhi “Anigoo ku hadlaya Magaca Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxaan ugu Hambalyeynayaa Horumarka ay gaadheen. Haddaanu Madaxweynaha is-aragnay iyo haddaanu Maareeyaha Dekedaha is-aragnayba waxay noo caddeeyeen horumarka ka socda Jabuuti iyo hadday Berbera tahayba inay yihiin Qaar is-kaabaya, maaddaama oo Jabuuti iyo Somaliland ku yaallaan Mandaqad ay tahay in la horumariyo oo ay Dekedahoodu bataan, sababtoo ah Dalalka u baahan inay isticmaalaan ee aan Badaha lahayn ay yihiin Dalal faro badan oo Afrikaan ah.”

Md. Cali Maxamed Warran-cadde waxa kale oo uu sheegay “Madaxweynaha Jabuuti iyo Maareeyaha Dekedaha Jabuuti waxaanu ka fahamnay oo aanu ka aragnay, Waxyaabaha la yidhaahdo way kala cabanayaan oo Dhibaatooyin ayay isku keeni karaan Dekedahoodu in aanay ku jirin Cuqdad-daasi, oo ay soo dhaweynayaan wixii horumar ah ee Dekedaha Gobolka laga qabanayo, si loo haqab-tiro Dadka aynu badda u nahay ee Afrika.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan qirayaa in Shacabka Jabuuti, hadday tahay Madaxweynahooda iyo hadday tahay Shacabkaba inay mudan yihiin in lagaga daydo horumarka ay gaadheen.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...